JaamacadahaWararkaWarbixinno

Dalka Shiinaha Ayaa faafiyay Nuqul Gacan Qoraal ah oo  Ka Tirsan Qur’aanka Kariimka ah oo Boqolaal sano Ka Hor La Qoray, Siduu Halkaa Ku Gaaray?

Dalka Shiinaha ayaa faafiyay Jimcihii shalay nuskhad cusub oo ka mid ah gacan-qoraalka Musxafka Qur’aanka Kariimka ah oo boqolaal sanno ka hor la qoray.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Shiinaha ee “Xinhua”, xarun buugaagta lagu daabaco oo ku taalla gobolka “Xionhoa” oo haysta maamul hoosaad, ayaa faafiyay nuqul Copy ah gacan-qoraalkii Musxafka Qur’aanka kariim ka ah ee gobolkaasi yaallay.

Wakaaladda ayaa sheegtay in nuskhadan cusub loo faafiyay ulajeeddo ah cilmibaaris oo qura, laakiin suuqyada aan lagu iibin doonin.

Nuqulka asalka ah ee gacan qoraalka oo ka kooban 870 safxadood, culeyskeeduna uu gaarayo 12.5 Kg, ayaa lagu hayaa maktabad ku taalla gobolka Xionhoa.

qor'aan

Qowmiyadda Salar-ka ee dagta gobolka Xionhoa oo xukun hoosaadka ka haysata dalka Shiinaha, ayaa ah qowmiyadda Muslimka ah ee ugu yar dalka Shiinaha, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa 100 kun oo qof.

Qowmiyaddan muslimka ah ee Salar ayaa sabab u ahayd inuu Musxafku gaaro dalka Shiinaha, boqolaal sanno ka hor markii ay dagayeen agagaarka webiga “Yellow Rever”ee dalkaasi.

Nuqulkan gacan-qoraalka ah ayaa caddeyn u ah in qowmiyadda Salar ee dalka Shiinaha ay haysteen diinta Islaamka 800 sano ka hor.

Related Articles

Close