DugsiyadaiskuulladaWacyigelinWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Internetka oo Ardayda Niyad-Jab iyo Walwal u Horseeda

Cilmibaaris cusub oo uu soo saarey barnaamijka Qiimeynta Ardayga ee Caalamiga ah, ayaa lagu ogaaday in ardayda UK ay yihiin kuwa ugu badan  mushakiladaha dhanka nafsiga ah ee soo waajaha, sababtuna waa wakhtiga faraha badan oo ay ku qaataan internetka iyo baraha ay bulshadu ku wada xiriirto xilliga waxbarasho.

Daraasaddan oo lagu sameeyay 540,000 arday oo dunida oo dhan ah, waxaa lagu ogaaday in ardayda u dhashay dalka Ingriisku ay internetka ku jiraan 188 daqiiqo maalintii xilliyada waxbarashada, waxayna kala kulmaan internetka cabsi gelin iyo kalinimo.

Natiijada cilmibaaristan ayaa u muuqata mid soo gudbineysa farriin aan wanaagsaneyn ardayda intabadan ku qaata wakhtigooda baraha bulshada iyo internetka oo waxyaabo badan oo aan faafreeb lahayn lasoo dhigo.

Mashaakilka internetka laga dhaxlo waxaa ka mid ah, Hurdo la’aan, Cayil, waxbarashada oo dib u dhac ku yimaaddo,  niyad-jab iyo nolosha waaqica ah oo ardayga  mugdi ka gasha.

Emily Frith oo ah agaasimaha Caafimaadka Maskaaxda ee mac’hadka “Institute of Policy Education” dalka Ingiriiska,  ayaa tiri internetku waxa uu sii murjiyaa mushkiladaha walwalka ardayda Ingiriiska, sidaa darteed xukuumadda Ingiriiska waxaa ku waajib noqoneysa iney ku dadaasho sidii ay daryeel goonni ah u siiso ardayda iskuulaadka, arrintuna waxay u muuqataa ayay tiri in hadda wadadii saxda ahayd cagta la saaray.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka bilowday ol’ole “Heads Together” oo ay ku dhawaaqeen Kuke iyo Duchess Cambridge, taas oo ulajeedadeedu ay tahay in lasoo gabagabeeyo xishoodka iyo cabsida ay dadku ka qabaan cudurrada nafsiga ah ee niyad-jabku ka mid yahay guud ahaan Boqortooyada Ingiriiska.

dhibaatooyinka baraha bulshada

Si kastaba, daraasaddan ayaa caddeyn u ah in Internet-ka oo saacado badan lagu jiro aaney faa’ido badan u lahayn ardayda xilliga waxbarashada, gaar ahaan baraha bulshada oo laga dhaxlo niyad-jab iyo walwal maadama waxyaabaha lasoo dhigo intooda badan aaney lahayn faafreeb.

Related Articles

Close