CaafimaadkaWararka

W.H.O: Shuban-biyoodkii Ugu Darnaa Muddo 5 sano ah oo Ka Dillaacay Soomaaliya

Hay’adda Caafimaadka Adduunka W.H.O ayaa sheegatay in bilowga xilli roobaadka Soomaaliya la filayo iney sii kardhaan xaaladaha shuban-biyoodka ah oo hadaba fara ba’an ku haya in badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Ururka caafimaadka W.H.O waxaa uu soo gudbiyay in  32,000 oo Soomaali ah uu shuban-biyood ku dhacay sanadkan bilowgiisa, tiradaas oo 618 oo ka mid ah ay u geeriyoodeen cudurka.

“Abaarta waxaa ay keentay in dadku cabbaan biyo wasakheysan, waxaana Soomaaliya ka dillaacay shuban biyoodkii ugu darnaa 5-tii sano ee la soo dhaafay”, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka hey’adda caafimaadka adduunka  Taariq Jasarevic, isaga oo intaa raaciyay in dhibaatada ay ka dhalatay markii la waayey biyo nadiif ah, nadaafad, cunto la’aan iyo nafaqa darro ay isku biirsadeen in badan oo ka tirsan shacabka.

UN-ka wejigii hore ee tallaalka oo dhammaaday March, waxaa ay ka fuliyeen 450,000, waxaa ayna hadda bilaabeen wejiga labaad, waxaa la filayaa in la tallaalo in ka badan 2.5 Milyan oo caruur Soomaaliyeed ah.

Related Articles

Close