JaamacadahaWacyigelinWararka

Ardayda Jaamacahada Muqdisho Qaarkood oo aan Ka Wareysannay Qiimaha Wax Akhrintu Ay Leedahay

Tiir dhexaadka waxbaarshada ayaa ah akhris qof kastaa oo jecel horumar waxbarasho waxaa lagama maarmaan u ah in uu u guntado wax akhrinta  u horseedi karta gaarida yoolkiisa waxbarashada.

Hadaba qaar ka tirsan ardeyda dhigata jaamacadaha gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxa ay ka hadlayaan fikirkooda ku aaddan wax akhriska.

Liibaan Xasan Cali  ayaa waxa uu aaminsan yahay in ardayga ay lagama maarnaan u tahay wax akhrinta:

“Akhrisku waa eray ballaaran, wax akhrintu faaiidada ay u leedahay ardayga iyo qof kasta oo aadane ah muhiimad gaar ah ayay u leedahay, waan dareemi karnaa inta uu qof kastaa wax akhriyo ayuu dadka kale dheeryahay, marxaladda ardaynimadana wax akhrintu aad ayay muhiim u tahay, markaan ahay arday oo aan akhriyo casharkii aan maanta soo qaatay iyo marka aanan akhrin farqi weyn ayaa u dhexeeya, akhrintu waa meesha kaliya ee lagu gaari karo inuu qofku cilmiga barto”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, in dal kasta oo dunida ah lagu qiimeeyo inta ay dadkiisu wax akhriyaan:

“Inta badan waxaa la sheegaan inaaney Soomaalidu waxba akhrin, dad hadla ama wax dhageysta iney yihiin, laakiin inta badan Soomaalida dadka wax akhriya waxaa la sheegaa iney aad u yaryihiin, sidaan ogsoonahay caalamka waxa lagu kala hormarayna waa akhriska, dunida markii la doonayo in waddan la tilmaamo, oo la rabo in dadkiisa, seeskiisa iyo xadaaradiisa la qiimeeyo, marka lasoo saaro  bulshada, badka waddanka iyo xuduudihiisa, lagama reebo bulshada inta wax akhrisa, waxay ogyihiin dunida dadka hormaray akhriska iyo faa’iidada uu leeyahay”.

Cabdifaataax Cismaan Ibraahim, ayaa isna dhankiisa ka hadlay qiimaha ay wax akhrintu u leedahay nolosha qof kasta iyo in diinta Islaamku ay na fartay inaan wax akhrinno:

“Waxaan ahay mid ka mid ah ardayda jaamacadaha Muqdisho, suuraddii ugu horreysay ee nabiga kusoo dagtay ee Suuratu al-Calaq Alle S.C waxa uu leeyahay wax akhriya, waxaad ka dareemaysaa in dadka Muslimiinta ah la faray iney noqdaan dad wax akhriya, qof kastaana inta uu wax akhriyo ayuu kaga sarreeya dadka kale ee aan waxba akhrin”.

Ugu dambeyntii hormarkeena wuxuu ku xiranyahay in aan wax akhrinno, jiritaankeenna dambe waxaa saldhig u ah kolba sidaan wax u akhrinno, maanta saaxiibka ugu wanaagsan ee aad yeelan karto waa buugga oo aan kaa daaleyn ku dhibsaneyn kaa xanuunsaneyn, noqonaya waayo arag noloshaada mar kasta ku biiriya xog aadan goobjoog u ahayn, waxaad noqoneysaa qof noolaado xilliyo kala duwan oo aanuu soo gaarin.

freepikproject_template

Related Articles

Close