arrimaha bulshadaWararka

Keyboard Cusub oo Saaxiibadaada Shaqada Usheegay xilliyada Aad Mashquulka Tahay

Waxaa dhawaan Lasoo saaray Keyboard cusub oo saaxiibadaada shaqda u sheegaya xilliyada  aad mashquulsan tahay isla markaan aaney habbooneyn in wax lagu weydiiyo.

Wargeyska the Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriisk ayaa sheegay in lasoo saaray waddo cusub oo lagu ogaanayo marka saaxiibkaaga shaqada uu mashquulsan yahay, iydoo uu  soo curiyay mid ka mid ah culumada cilmiga computer-da ugu caansan dunida, wadadan cusub ayaa la adeegsanayaa iftiin casaan ah iyo mid cagaar ah oo kasoo muuqanaya Keyboard-ka computer-ka.

Caalimika Dr. Thomas Fritz ayaa sameeyay hal-abuurkan cusub, si meesha looga saaro in saaxiibada isku shaqada ah ay is mashuuqilaayaan xilliga shaqada, gaar ahaan marka howl muhiim ah aad gacanta kula jiro, iftiinnada ayaa kasoo muuqanay Keyboard-ka computerka, waxa uuna iftiinkaasi uu kuu sheegayaa xilliga aad la hadli karto saaxiibkaa iyo xilliga kale oo mushquulsan yahay isla markaana ay tahay inaad dib u dhigato la hadalkiisa iyo wax waydiintiisa.

Marka uu mouse-ku shaqeynayo si joogta ahna aad wax u qoreyso, markaa midabka casaanka ah ayaa shidmaya, marka kale ee aadan mouse-ka dhaqaajin in muddo ahna aadan ka shaqeysiin Computer-ka waxa uu shidayaa midab cagaarka ah, taas oo ah farriin in saaxiibkaa aad la hadli karto lana sheekeysan karto.

Dr. Fritz oo ka tirsan jaamacadda Columbia ee dalka Kanada ayaa yiri, “Marka adigoo shaqo ku jira uu qof kaa soo dhexgalo, wakhti ayay kugu qaadaneysaa inaad howshaada halkii kasii wadato”, waxa uuna tilmaamay in midabada kala duwan ee Keyboard-ka kasoo muuqanayaa uu la mid yahay sida barnaamijka “Skype-ka oo kale oo markii aad mashquulsan tahay u sheegaya saaxiibadaa inaad mashquulsan tahay, iyadoon aan loo baahneyn iney ku su’aalaan.

keyboard1

Related Articles

Close