arrimaha bulshadaJaamacadahaWararka

Stephen Hawking: Waa in Aadanuhu Uu Qarni Gudihii Uga Guuraa Dhulka!!

Caalimka caanka ah ee Stephen Hawking ayaa sheegay in aadanuhu u baahan yahay inuu raadsado deegaan cusub, haddii kale uu halis ugu jiro inuu dabar go’o.

Jariidada News Week ee dalka Mareykanka ayaa jimcihii 5, May, sheegtay in Hawking uu fikraddiisan cusub uu kusoo bandhigi doono  filim documentary ah oo la magac baxay “New Earth Mission” ergadii Dhulka, kaas oo qorshuhu yahay in lasoo bandhigo sanadkan, iyadoo laguna soo bandhigayo barnaamijka “Adduunka barri” ee cilmiga ah oo ka baxa Telefeshinka BBC ee dalka Ingiriiska.

Caalimkan ayaa khatarta ugu weyn u arka iney ka imaneyso isbedelka cimillada iyo heerka kororka aadanaha, cuduradda wax-dabargooya iyo in dhulka uu ku soo dhici karo meero kale oo ka mid ah meerayaasha cirka, gabi ahaanna baabi’in kara.

Barnaamijkan uu Hawking wado ayaa waxaa ku jira horumarkii ugu dambeeyay ee laga gaaro cilmiga xidigaha, bayoolojiga, tiknoloojiyadda gantaallada dayax gacmeedka xambaara, taas oo nolol cusub ka suurtogalineysa dusha sare ee meeraha Amartia.

Tani maaha markii ugu hoggeysay ee Hawking uu ka dayriyo mustaqbalka aadanaha dhulka dushiisa, marar badan ayuu sidan oo kale digniin ugu diray aadanaha khatarta ku soo waajahan mustaqbalka dhulka.

Waxa uu caalimkani farta ku fiiqay in hadda aadanuhu ku jiro xilligii ugu khatarta badneyd taariikhda, mustaqbalka aadanaha uu sheegay inuu ku xiran yahay go’aanno muhiim ah oo ay laga maarmaan tahay in la qaato.

Iyadoo caalimkani uu ka dayrinayo mustaqbalka mugdiga sii galaya ee aadanaha ayaa hadana waxa uu sheegay yididiilo ay tahay in wax wanaagsan laga fisho “Fahamka sii kordhaya ee aadanaha uu ka yeeshay nolosha”, waxa uuna sheegay in “Wakhtiga hadda la joogo uu yahay wakhti dahabi ah dhanka cilmibaarista aragtidayada Physicis-ka”.

Si kastaba, digniintan cusub ayaa muujineysa sida uu caalmiku walwalka uga qabo mustaqbalka dunida ugana fakaro in aadanuhu uu helo meel laga heli karo nolol aan khatararro badan lahayn iyo deegaan cusub oo ku habboon in lagu noolaado.

Related Articles

Close