JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Ardayad Badbaadisay Saaxiibadeed Kadib Markii uu Miyir Daboolmay Darawalkii Gaariga ay la Socodeen

Aradayd  la yiraahdo Ashwaaq oo ka tirsan jaaamcadda Xaa’il ee magaalada Qazala ee dalka Sucuudiga ayaa waxay ka badbaadisay arday kale oo la socday shil dhibaato xoog leh ay ka dhalan lahayd, kadib markii gaarigii ay la socodeen darawalkii waday uu miyir daboolmay.

Darawalka ayaa waxaa ku dhacay dhiigfuran dhanka maskaxda ah, laakiin hadda sida al-Arabiya ay sheegayso caafimaadkiisu aad ayuu u wanaagsan yahay.

Aabaha dhalay ardayddan geesiyadda ah oo la yiraahdo Daahir Saalax al-Shamari ayaa al-arabiya u sheegay in gabdhiisu markii hore ay fikrad ka haysatay darawalnimada, sidii loo baahnaan ay yeeshay, darawalku meeshii uu ku miyir daboolmay gurigiisa waxay u jirtay 8 Km, gaarigana gurigiisa ayay gaarsiisyeen, iyadoo gaariga ay kaxaysay  Ashwaaq.

Markii darawalka qoyskiisa loo geeyay waxaa loola cararay isbitaalka oo markii dambana ay caddaatay in dhiigfuran dhanka maskaxda ah uu jiray; laakiin gurmad degdeg ah isla markii loo sameeyay xaaladdiisuna ay hadda wanaagsanaatay.

Gaariga ayaa waxaa Ashwaaq la saarnaa 5 arday oo ay isku jaamacad dhigtaan isku deegaanna ay yihiin, dhacdadan ayaa markii ay qabsaneysay waxa ay ka soo noqdeen jaamacadda oo waxay u soo socdeen guryahooda.

shilbaabuur1

Related Articles

Close