WacyigelinWararka

Dhaqanka Shaqaalaha Wanaagsan ee Xilliyada Shaqada Ka Hor, Ka Dib iyo Gudaha Shaqada

Sanadwalba kumanaan dhalinyaro ay ayaa  ka sooqalin jabisa Jamacadaha mid waliba waxa uu wax ubaranayaa waa in uu helo shaqo wanaagsan oo uu ku anfaco naftiisa iyo qoyskiisa.

Dhilinyada shaqeysaa ee shaqa heshaa xilligan aad ayay  u yartahay, inta shaqada heshaana waxay u baahin yihiin in lagu baraarujiyo sidii ay ku ilaashan lahaayeen shaqadooda.

Tallaabooyinka soo socda waxa ay  tilmaamayaan sida ugu fiicna ee aad ku ilaashan karto shaqadaada:

Inta Aadan Shaqada Soo Gelin

Inta aadan shaqada soo gelin waxaa lagaaga baahanyahay in aad la timaado qodobadan si shaqadaadu kuugu fududaato

1- Marka hore waa in aad Alle u mahadiso in aad heshay shaqo kuu qalanta oo aad ilaashataa fahantaana in kumaaan adiga oo kale ah ay waqtigaasi ay shaqala’aan hayso.

2- In aad xilli hore seexato si aad dhaqso u tagto shaqadaada.

3-In diyaar garawgaagu uu noqdo mid habaysan dhameystiran sida lebiskaaga,agabkaaga,gaarigaaga Iwm.

4- In aad ku dadaasho cibaadada sida salaada subax in aad tukato ka dibna aad akhriso adkaarta subaxnimo waayo waxa ay kuu horseedaysaa firfircooni iyo shaqo gudasho isku midna maaha qofka shaqada soo galay ee cibaadaystay iyo kan aan cibaadaysan.

5-In aad xilli hore soo baxdo si aad shaqada uga daahin.

Marka Aad Shaqada Soo Gasho

 Shaqada marka aad soo gasho waxaa lagaaga baahanyahay in aad ku dhaqanto tallaabooyinka soo socdo:

6 – Waa inaad salaantaa asxaabtaada, salaanta islaamka oo ah mid xanbaarsan nabadgelyo , raxmad , barako waana furaha aad ku kasbanayso shaqaalaha kula shaqeynaya.

7 – In aad si nidaamsan u fariisato xafiiskaaga bisinkana aad ku bilawdo hawl maalmeedkaaga.

8 – In aad diiwaangeliso qorshaha aad maalintaas ku shaqeyn lahayd oo dhamaystiran illaa inta aad ka baxayso shaqada  taasi waxa ay kuu fududaynaysaa in aad hawshaada u gudato sidii  loo baahnaa.

Inta Shaqada Lagu Guda Jiro

9 – Inta shaqada lagu guda jiro waxaa loo baahan yahay in aad iska ilaaliso wax kasta oo shaqadaada dib u dhac ku ridaya  sumcadaadana hoos u dhigaya.

10 – Waa in aad ku ekaataa xafiiskaaga oo aadan ka kicin inta aad shaqeybnayso hawlaha laguu igmadayna aad ku  qabato.

11 – Waa in aadan fariisan xafiis aan xafiiskaaga ahayn.

12 – Waa in aad ilaalisaa xasilloonida goobta shaqadaada

13 – Waa In aadan taleefon ku dhex isticmaalin goobta shaqada, haddii aad ka maarmi weydana aad banaanka ula baxdo.

14 – In shaqada laguu xilsaaro aad warbixinno joogta ah ka bixiso.

15 – In aad ixtiraamto shaqaalaha kula shaqeynaya iyo maamulka kaa sarreeya.

16 – In aad shaqadaada u qabato si waafaqsan shuruucda u degsan goobta aad ka shaqeynayo.

17 – In aad ka fogaato hadallada hoos u dhiga shakhsiyadaada sida xanta, beenta , kibirka, … Iwm.

18 – In xafiiskaagu uu noqdo mid nidaamsan isla markaana ilaaliso nadaafadiisa guud.

19 – In aad soo dhoweyso  dadka aad u shaqeynayso weji wanaagsana oo furfuran.

20 – In aad badiso mahadcelinta ha noqoto shaqo ay  kula qabteen asxaabtaadu ama mid uu maamulku kula qabtay.

21 – In haddii aad baxayso aad ku bixin amar la’aan oo aad fasax ka qaadato maamulkaaga si loo ogaado meesha aad ku maqan tahay.

22 – In aad u sheegto maamulkaaga xilliga aad soo laabato.

23 – Dhoola cadayntu waa arrin aad u fiican kuuna horseedaya in aad kasbato inta kugu hareeysay,  waxaa intaas sii dheer hadalka wanaagsan ee aad kula hadleyso  asxaabtaada.

shaqaalaha wanaagsan

 

Marka Aad Shaqada Dhameyso

 

Mar aad gudato waajibaadkaaga shaqo  waxaa muhiim ah in aad ku dhaqanto qodobadan:

24 – In aad qiimeyn guud ku sameyso qorshihii aad degsatay waxa ka hir galay iyo waxa aan ka hirgelin.

25 – In aad qiimeyso  nidaamoso xafiiskaaga isaga oo nidaamsana aad ka tagto.

26 – In aad demiso  kombuyuutarrada, marwaxadaha, qaboojiyaha, ….Iwm

27 – In aad shaqada ka baxdo waqtiga laguugu tala galay.

 

Intaas ayaan ku soo koobeynayaa talaabooyinka ugu wanaagsan ee aan shaqadeena ku gudankarno si wanaagsan waxaana filayaa in aan dhamaan ka wada faa’ideysan doontaan.

 

W/D: Ustaad Xasan Cabdi Maxamed

 

Related Articles

Close