DugsiyadaWacyigelinWararka

Qiimaha ay Biyuhu u Leeyihiin Noolaha Ku Nool Dhulka Dushiisa

Suuradda Al-Ambiyaa aayadda 30aad waxa uu Alle S.W ku sheegay in Biyuhu ay yihiin noola kasta noloshiisa, aayaddan ayaa inooga filan inaan ogaanno qiimaha ay biyuhu leeyihiin iyo iney yihiin sirta nolosha, haddii la waayana ay noloshu gabi ahaanba istaageyso.

Biyuhu waxa uu ka mid yahay walxaha aasaasiga ah ee dhulka laga helo, 71% badka dhulku uu ku fadhiyaa waa biyo. Waxa uu ka koobanyahay biyu labo maaddo oo kiimikeed oo kala ah haydaroojiin iyo oksijiin. Waa dareere aan lahayn midab, dhadhan iyo ur toona.

Biyaha waxa lagu arkaa saddex xaaladood oo kala duwan, xaalad dareeranimo ah, sida; badweynta dunida, wabiyada, badaha yaryar, ilaha biyaha, roobabka, waana xaaladaha ugu caansan dhulka dushiisa, waana tan mas’uulka ka ah dhamaan nolosha dhulka dushiisa. Biyihu sidoo kale adke ayay noqdaan waana sida xaalku yahay marka aad eegto barafka iyo buuraha barafka ee cirifyada dunida. Xaaladda saddexaad ayaa ah xaaladda hawada oo sidii uumi oo kale uu hawada ugu jiro biyaha.

Wareegga Biyaha

Wareegga biyaha waa dhaqaaqa joogtada ah ee biyaha dhulka dushiisa iyo hawada, taas oo uu isku bedelayo dareere marna uu noqonayo hawo, waa  xaaladda roobka oo kale.

Muhiimadda Ay Biyuhu Leeyihiin

Biyuhu waxay muhiimad u leeyihiin nolosha ka jirta dhulka dushiisa dhammaan, si nooluhu uu u noolaado waxaa lagama maarmaan ah inuu biyo helo.

Hadaba muhiimadda ay biyuhu leeyihiin waxaan ka dhex arki karnaa dhinacyadan oo marna aan looga maarmi karin:

Mihiimadda Ay Aadanaha u Leeyihiin

– Wadnaha ayay ka ilaaliyaan dhiig fariisiga,  biyaha oo la badsadaa waxay kordhinaysaa dareeraha dhiigga, xinjirowgana way ka ilaalineysaa, sidaa darteed waxaa looga hortagaa dhiig xinjirowga.

-Waxay ilaaliyaan halbowlayaasha waaweyn ee dhiigga aadanaha, cuduradda ku dhaca halbowlashaa dhiigga,  waxaa sababa qaarkood kolostorolka oo ku batta dhiigga, sidaa darteed marka biyaha farabadan la cabbo waxay hoos u dhigaan heerka kolostarolka dhiigga.

-Biyuhu waxay ilaaliyaan habdhiska kaadimareenka jirka, sidoo kale waxay kalyaha ka ilaaliyaan iney dhagaxaan fariistaan.

-Waxay jirka ka ilaaliyaan qeybo ka mid ah kansarka sida; Colon Cancer-ka.

-Sunta ayay jirka ka saaraan.

-Daalka ayay u roonyihiin.

-Waxay kaalmeeyaan habdhiska dheefshiidka, waxaana lagu socodsiiyaa caloosha.

-biyuhu waxay dheellitiraan heer kulka jirka.

-Waxay u roonyihiin af urka.

-Haragga sare ee jirka ayay iftiin dheeraad ah siiyaan.

Beeraha

Biyuhu waxay muhiimad weyn u leeyihiin beeraha iyo abuurkooda loogama maarmi karo; dhirtu waxay u baahan tahay biyo si ay u korto una noolaato, qaar ka mid ah miraha la beero waxay u baahan yihiin biyo aad u farabadan, dhirtu waxay u baahan tahay biyo ay xididka ka qaadato kadibna ay wada gaarsiiso qeybaheeda kala duwan.

biyaha

Warshadaha

Waxsoosaarka dhanka warshadaha in badan oo ka mid ah waxaa lagama maarmaan u ah biyaha, sida; warshadaha soosaara warqadda qoraalka, naaftada, sidaas oo kale biyaha waxaa loo adeegsadaa in badan oo ka mid ah warshadaha gasacadaha isticmaala ama kuwa sameeya cabitaannada kala duwan, korontada warshadaha waaweyn qaarkood ayaa laga dhaliyaa biyaha, sidaas oo kale warshado badan ayay biyuhu u yihiin qaboojiyaal aan marnaba laga maarmeyn.

Si kastaba, qiimaha biyuhu ay u leeyihiin noolaha dhulka guud kiisa ku nool waa mid aan lasoo koobi karin, qeybo badan oo nolosha ka mid ahna aan looga maarmi karin.

Resources:

http://www.ivyroses.com/Biology/Why-is-water-important-to-life.php, meelo kale.

Related Articles

Close