WararkaWaxbarashada

Wasarrada Waxbarashada Galmudug Oo Agab Waxbarasho Ku Warejisay Qaar Kamid ah Dugsiyada Sare ee Galkacyo   

Iyadoo ay jirto diyaar garoow loogu jiro imtixaanaaka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka,  ayaa qalab loogu talogalay sare u qaadista waxbarashada aradayda dugsiyada sare ay ku wareejisay wasaarada waxbarashada maamul goboledka  Galmudug qaar ka mid dugsiyada waxbarasho ee maamulka.

Qalabkan ayaa waxaa Galmudug gacan ka siiyay ururrada Caalamigaa ee USAID iyo Hay’adda Mercy Cop, qalabkaas oo isla markiiba lagu wareejiyay qaar ka mida dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Agabka waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada Galmudug lagu wareejiyay ayaa ah mid loogu talogalay in ardayda dugsiga sare ee S.Y.L ay kaga faa’iideeystaan maadooyinka Sayniska, waxaana munaasabadii lagu wareejinayay qalabkaasi ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, waalidiin, arday iyo qaar kamida maamullada dugsiyada sare ee Galkacyo.

Munasabadda Agabka wasaaraddu ay kula wareegtay ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay isku duwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobalka Mudug Axmed Jaamac Aadan waxaana uu sharraxaad ka bixiyay qalabkan cidda ku caawisay wasaaradda waxbarashada Galmudug, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Qalabkaani waxa uu ka mid yahay howshii laga hayay iskuulkaan oo ay ka mid tahay ballaarintii oo ay ka mid ahayd howlihii badnaa ee lasoo qabtay, ay ka mid ahayd xafiisyada qalabeyntoodii, waxaan hadda lagu wareejin doonaa waa laabkii la doonayay in lagu isticmaalo, maaddooyinka Sayniska ah, qalabkani waa alaabtii ugu casrisaneyd oo la inookaga baahan yahay, inaad ilaashataan iskana ilaalisaan, haddii aanan iskaashanna heerkan ma’aaney soo gaarteen”.

Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo ku hadlayay magaca gudiga waxbarashada iyo maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay wasaarada waxbarashada Galmudug iyo Hay’addaha ka gacan siiyay qalabka waxbarasho ee ugu deeqeen qaar kamida dugsiyada waxbarasho ee ku yaala magaalada galkacyo:

“Wasaaradda iyo ururka agabkan waxbarashada fududaynaya ee keenay, mahadcelintoodii raggii hore ayaan la qabaa, haddii aan Illaahay ka baqno waxbarashada diin iyo adduunyaba waa fududaaneysaa, haddii aan Alle laga baqin agab kasta oo la keeno waxba ma fududaanayaan”.

Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug Axmed Nuur Cismaan Cali oo ugu danbeyntii hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay ardayda Dugsiga sare ee qalabka waxbarasho la gudoonsiiyay in ay noqdaan kuwo kasoo dhalaala kaalinta looga fadhiyo maadaama ay nasiib uyeeshen in ay helaan qalab ka saacidaya iney hormar ka sameeyaan waxbarashada:

“Ma waxaa la idinka sugayaa inta laga sugayo iskuulaadka kale ee aan helin fursaddaan oo kale, mise sida aad fursaddaan oo kale aad u hesheen oo ardayda kale aad uga horreeysaan oo fursaddaan aad u haysataan ayaa waxaad ayaad u noqon doontaan hoggaan waxbarashada Galmudug, fursaddaa la idiin siiyay natiijadii laga rabay waa inaad bannaanka soo dhigtaan”.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa horey sidaan oo kale agabyo kala duwan waxa ay u gaarsiisay dugsiyo waxbarasho oo ku kala yaalla deegaannada kala duwan ee galmudug.

galmdug galmudug

Related Articles

Close