iskuulladaWararkaWaxbarashada

Abaarta ka Jirta Galguduud oo Sababtay in Arday Farabadan ay Iskaga Haraan Waxbarashada

Maamulaha dugsiga Imaam Nawawi Cadaado,  Cismaan Aadan Maalin oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa noo sheegay in arday dhaganeysay iskoolkooda ay gabi ahaamba iskaga hareen waxbarashada abaaraha jira awgeed.

Ardayda gaareysa illaa 30 arday oo dugsiga wax ka baraneysay ayaa abaartu ku kalliftay iney iskaga haraan waxbarashada, kadib markii ay la barakaceen qoysaskooda oou nolol doontay deegaanno kale.

Maamulaha ayaa sheegay in dugsigooda aaney  hadda wali jirin wax ka soo kabsho ah, iyadoo  saameyntii abaartana ay wali taagan tahay:

“Abaaraha ugu badan gobollada ay ka dheceen ayaan ka mid nahay, dadka dagan inta badan waa dad reer miyi ah, ardayda iskuulka intooda badan ma awoodaan iney iska bixiyaan lacagta, dadkii miyi ayay ku tiirsanaayeen, miyigiina waaba lagu cayrtoobay, noloshoodi ayaaba khatar ku jirta”.

Maamule Cismaan ayaa sheegay in si mutadawacnimo ah ay inta badan ardayda ay wax ku baraan, si niyaddooda loo ilaaliyo rajo fiicanna loo siiyo:

” Si niyaddu ay ugu dhisanto ayaan macallimiinta ka codsannay in ardaydaa waxbarashada loo sii wado, intaa in kabadanna wayba gooyeen waxbarashadii markii dhibaatadaas ay dalka ka dhacday, Illaa 30 arday ayaa uga hartay waxbarashada arrimahaa abaaraha, ardaydii abaaruhu ay ku dhufteenna wali sidii ayay u maqan yihiin, wax kasoo kabasho ahna ma jiraan”.

Abaarta ka jirta gobollada kala duwan ee dalka ayaa keentay in inta badan dadkii ay saameyn ku yeelato, iyadoo dhinicii waxbarashadana ay soo waajahaday hoos u dhac ballaaran, arday badanina ay ka barakeceen degaannadii ay joogeen.

Related Articles

Close