arrimaha bulshadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Bill Clinton iyo James Patterson oo si Wadajir ah u Qoray Buug Cusub oo Ku Saabsan Nolosha Guriga Cad ee Mareykanka

Bill Clinton iyo qoraaga caanka ah ee reer Mareykana James Patterson ayaa si wadajir ah u qoraya buug cusub oo ku Saabsan Nolosha Guriga Cad ee Mareykanka iyo waxyaabaha ka socda daaha dabadiisa ee aanuu ogaan karin madaxweynaha Mareykanka.

Labada madbacadood ee kala ah “Nov Dablady” iyo “Hatcht Book” ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeynayaan, in madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo qoraalga caanka ah ee reer Mareykan James Patterson iney si wadajir ah u allifeen riwaayad la magac baxday “Madaxweynihii oo la waayay”, taas oo la faafin doono Jun, 2018.

Labada shirkadood ee dhanka faafinta buugaagta ah ayaa yiri, “Waxaa laga allifayaa ruwaayaddan, shirqoollo iyo dhacdooyin caalami ah oo daaha dabadiisa laga maamulayo, si heersare ahna loo agaasimayo”.

Bill Clinton ayaa yiri, in muddo ah ayaan ka mid ahaa akhristayaasha Patterson, Inaan wada shaqeenno aad ayaan ugu faraxsanahay.

Clinton ayaa hadalkiisa sii raaciyay; “Inaan wax ka allifno madaxweyne wali xukunka haya, iyadoo aan wax ku dhisayno inta aan ka ogahay nolosha guriga cad ee Mareykanka iyo sida ay u shaqeyso Washington, waa arrin aad loogu riyaaqo oo xiiso badan”.

Dhanka kale, Patterson oo aad loogu yaqaanno qoraal wanaag ayaa yiri, in Clinton aan wada shaqeynno waxay ii tahay arrinkii ugu mihiimsanaa nolosheyda.

clinton-patterson

Patterson ayaa intaa sii raaciyay: “Waxaan ii muuqda sheekooyin iyo aragtiyada fog ee Madaxweyne Clinton iney tahay wax ii saamaxaysa inaan qorno sheeko aad u xiiso badan”.

Si kastaba, buuggan oo la filayo in suuqyada lasoo galiyo Jun, 2018, ayaa inta badan ka hadli doona shaqooyinka ka socda daaha dabadiisa ee aanuu ogaan karin madaxweynaha Mareykanka isla markaana saameyn ballaaran ku yeelaneysa caalamka iyo gudaha Mareykanka.

Related Articles

Close