WararkaWaxbarashada

Erdogan: Waxaan Ka Hor Imaan Doonnaa Qaanuunka Cusub ee Isra’iil Ku Mamnuucayso Aadaanka Qudus

 

Erdogan ayaa Isniintii shalay ballanqaaday iney kasoo horjeesan doono qaanuunka cusub oo Yahuuddu ku mamnuucayso aadaanka salaadda subax ee magaalada Qudus, kaas oo hadda horyaalla baarlamaanka Isra’iil.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay mashruuc qaanuun ee horyaalla Baarlamaanka Isra’iil ee lagu doonayo in aadaanka salaadda subaxa looga joojiyo magaalada barakeysan ee Quddus, ayaa yiri, “Haddii aad ku kalsoon tihiin waxa aad aaminsan tihiin, waxa la idinka rabaa ineydaan ka cabsan waxyaabaha ay dadka kale aaminsan yihiin, annagu waan ku kalsoonnahay waxaan aaminsan nahay, sidaa darteed kama cabsanno waxa dadka kale ay aaminsan yihiin”.

Madaxweyne Erdogan oo hadalkan ka jeediyay shir Qudus loogu qabtay magaalada Istanbul ayaa is weydiiyay farqiga u dhexeeya siyaasadaha cunsuriyadda Israa’il  iyo tii madawga Mareykanka iyo madawga Konfur Afrika lagu hayay.

Dadka Muslimiinta ah ee dunida ku dhaqan ayuu ku booriyay iney si joogto ah u soo booqdaan magaalada Qudus, isagoo ku canaantay heer booqashada oo aad u hoosaysa marka loo eego dadyowga diimaha kel oo si weyn booqashooyin ugu taga magaaladaas.

Israa’iil ayaa si adag ugu jawaabtay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku tilmaamay iney yihiin cunsiriyiin midab takoor ku haya dhaqanka diinta Islaamka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Isra’iil oo la yiraahdo Emmanuel Naxshoon, aayaa yiri; ” Qofka xuquuqda aadanaha ku xadgudabaya si habaysan gudaha dalkiisa, waxaa habboon in aanuu wax ka sheegin dhaqanka dimuqraadiyada Isra’iil oo ah kan dhabta ah ee ka jirto gobolka oo dhan”.

Si kastaba, Isra’iil ayaa dooneysa iney gabi ahaanba la wareegto Qudus, caasimadeeda Mustaqbalkana doonaysa iney ka dhigato magaalada Qudus oo uu ku yaallo masaajidkii Saddexaad ee goobaha baraykeysan ee diinteenna Islaamka.

 

Related Articles

Close