iskuulladaWararka

Qarax Ay Ku Dhinteen Macallin iyo 8 Arday ah oo Ka Dhacay Dalka Afghanistan

Madaxa culumada gobolka Brown ee dalka Afghanistan Cabdiraxiim Xanafi iyo 8 ka mid ah ardaydiisa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay iskuul diimeed lagu barto sharciga oo ku yaalla magaalada Charikar oo ah caasimadda gobolka ku yaalla waqooyiga caasimadda Kabul.

Sid aan kasoo xiganney shabakadda Al-Jazeera, mas’uul ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in bamka qarxay uu ahaa mid lagu dhajiyay kursiga uu sheekhu ka fadhiyay  iskuulka, intii uu casharku socday uu qarxay, halka ilo wareedyo kalena ay sheegayaan in weerarku uu ahaa bam gacan ku sameys ah oo lagu tuuray gudaha fasalka isla markaan uu ku qaraxay gudaha fasalka iskuulka oo ahaa dugsi sare oo diinta.

Warbaahinta Afghanistan ayaa sheegtay in ardaydii dhaawacmay la geeyay isbitaal meesha ka ag dhawaa, iyadoo la tilmaamayo in dhaawacyada qaarkood ay culus yihiin, inta badan dadka ay wax soo gaareenna ay yihiin arday.

Qaraxa ayaa cidna aaney illaa hadda sheegay mas’uuliyaddiisa, xilli weerara noocan oo kale ay ku soo kordhayeen dalka Afghanistan 3 bilood ee lasoo dhaafay ee bilowga sanadkan 2017, 715 ayaa dhintay, halka 1460 oo kalena ay ku dhaawacmeen, waana sida uu sheegay haowgalka Qaramada Midoobay ee dalka Afghanistan.

Related Articles

Close