DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Shirweynaha Ansixinta Manhajka Waxbarashada Qaranka oo Maanta ka Furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha Ansixinta qaabdhsimeedka manhajka waxbarashada qaran ee Soomaaliya, kaas oo ay kasoo qeybgaleen wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka.

Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qeybgalay, wasiirada waxbarashada dowlad goboleedyada dalka, wasiirro, xildhibaanno iyo bahda waxbarashado oo xaadir ku ahaa goobtii shirku uu ka furmay maanta ee magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa waxaa daahfuray ra’isul wasaarada Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la isku duubnaado shacabka Soomaaliyeed uu u guntado isla xisaabtan iyo wax wada qabsi, hadalladii ra’isul wasaaraha waxaa ka mid ahaa:

“Haddii aad rabtaan in dalka wax laga qabto waxaan idinka codsanayaa inaad is taagtaan, kow inaad ka bilowdaan in caruurta Soomaaliyeed aad u dajisaan manhajkii wax lagu bari lahaa idinkoo Soomaaliya isku soo dhaweynaya, 2 inaad kulligiin is abaabushaan oo aad la xisaabtantaan umadda Soomaaliyeed, saddex inaad is weydiisaan ma dadbaan nahay lagu yaqaaney karti iyo sharaf, oo magacooda la yihaado Soomaali oo taariikhda Afrika iyo dunida laga yaqaanno oo sharaf lahaa, haddii damiir inagu haray, haddii la rabo in sharaftii iyo karaamadii umadda Soomaaliyeed lasoo celiyo, lama sugi karo barri”.

Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare C/rixmaan Daahir, ayaa isna dhankiisa tilmaamay in dowladuhu waxa ay ku kala hormaraan aaney ahayn guunnimada iyo wakhtiyada badan oo ay soo jiraan, laakiin lagu kala hormaro hogaan wanaagsan iyo waxqabad:

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan daahfureyno, barnaamij muhiim u ah mustaqbalka dalkan iyo xaaladdan maanta lagu jiro, waxaan rabaa inaan idiin iftiimiyo kala duwanaanshiyaha umadaha ee ay keenaan faqriga iyo hodantinimada, kuma xina ummaddaas iyo bulshooyinkaa da’da ay jiraan, dawolado badan oo kumaan sano adduunkaan joogay, Yemen, Masar,  maanta waxay ka mid yihiin dowladaha lagu tiriyo kuwa faqriga ah, Waxaan kalo oo jira dowlado ay da’doodu yartahay 150 sano ka hor aan ahayn wax jiro, Kanada, Australia maanta waxay ka mid yihiin dowladaha hodanka ah, taasi waxay tusaale u tahay dariiqa ay qaadeen iyo ahmiyadda ay siiyeen qaabkii bulshooyinkaasi ay u noolaan lahaayeen. Waa inaan is weydiinnaa faqriga iyo hodantinimada maxaa saldhig u ah?, caruurteennu ma ka maangaabna caruurta adduunyada, cidina faqriga uma dhalan laakiin waxaa ka dhiga dadkooda hoggaamiya”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in manhajkan diyaarintiisa ay ku baxday dadaal badan aragti fogna laga leeyahay:

“Manhajka waxbarasho ee Qaran oo lagu soo koobay inta(buug), waxaa laga soo dhiraandhiryay siyaasadda waxbarashada Qaranka, taas oo lagu saleeyay oo lagu dhisay aragti  ka fog heerka aan maanta joogno, taas oo laga sawiran karo mustaqbal aad u wanaagsan oo la jeclaysan karo oo ku saleysan isbedellada aan maanta arkayno iyo halka aan u soconno, juhdi aad u weyn iyo maskax ayaa la galiyay manhajkeenna. Waa manhaj waafi ah oo tixgelinaya waxbarashada heerarkeeda kala duwan, laga soo bilaabo caruurta marka ay dhashaan illaa inta ay waxbarashada ka dhameysanayaan”.

Si kastaba shirkan maanta oo ay ka qeybgaleen madax farabadan iyo bahda waxbarashada ayaa la filayaa in gabagabadiisa ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo wax ka tarta mustaqbalka aradayga Soomaaliyeed.

shirweynaha manhajka

Related Articles

Close