UncategorizedWararka

Shirweynihii Qaran ee Wada Tashiga Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada  oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed

Shirweynihii Qaran ee wadatashiga isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda oo maalinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasaaradaha isgarsiinta dowlad goboleedyada dalka, garyaqaanka guud, shirkadaha isgaarsiinta iyo qeybaha tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayay sidii qaab Qaran loogu waajihi lahaa arrimaha isgaarsiinta dalka iyo la socodka tiknoloojiyadda casriga ah ee dunida.

Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay in wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uu kala shaqeeyo xagga sharciga.

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tinknoloojiyadda ee DFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in marka uu furmo kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ay hordhigi doonaan sharciga isgaarsiinta ee dalka lagu maamuli doono.

Agaasimaha guud ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay shirka ka soo baxday qodobadan hoos ku xusan:

Qodobada Guud

1. In Wasaaraddu joogteyso kulamada noocan oo kale ah oo lagu kala warqaadanayo, lagu waadagayo qorshayaasha, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, iyada oo Shirweynaha kan xiga lagu qaban doono dowlad-goboleedka Jubbaland.

2. In la xoojiyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay wasaaradaha qaabilsan isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu adeegyadeeda u sii marsiinayso wasaaradahan,

3. In qorshaha wasaaradda ee seddexda sano ee soo socota laga tixgeliyo qiimeynta baahiyaha dhinaca tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dowlad goboleedyadda.

4. In la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkaddaha isgaarsiinta, internetka iyo bahda waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan.

5. In adeega astaanta qaranka ee internetka Dot.SO la gaarsiiyo dhamaan hay’adaha dowladda ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda iyada howshaasna ay gacanta ku hayso wasaaradda.

6. Wasiiradda isgaarsiinta ee dowlad goboleedyadda waxa ay soo jeediyeen in mashruuca taakuleynta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT) lagu saleeyo baahida iyo mudnaanta deegaanadooda ka jirta si uu u yeesho saameyn waxgal ah.

Isgaarsiinta & Internetka

7. In baahi weyn loo qabo in la meel-mariyo xeerka isgaarsiinta ee qaranka oo aasaas u noqon doonta maareynta hirarka, shatiyada, iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dhinacyada uu khuseeya xeerkan, fulintiisana loo dhaadhiciyo ilaa heer dowlad goboleed.

8. In Wasaaraddu ka shaqeyso sidii ay shirkaduhu u heli lahaayeen hal albaab oo ay u maraan dawladda, gaar ahaan dhinacyada rukhsadaha, canshuuraha, iwm.

9. Shirkaduhu waxay codsadeen in Dawladdu kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsigooda, iyadoo laga caawinayo sidii loo yareyn lahaa caqabadaha haysta shirkadaha ee xiriirka la leh arrimaha amniga.

Teknoloojiyadda iyo Waxbarashada

10. In Wasaaraddu hormuud ka noqoto sidii teknolojiyada casriga ah loogu adeegsan lahaa adeegyada kala duwan ee dowladda sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maaliyadda, iwm.

11. In la dhiirrigeliyo dhismaha machadyo farsamo oo dhinaca teknolojiyada, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada ee la xiriira arrimaha teknolojiyada si loo kobciyo shaqo-abuurka.

12. In kor loo qaado aqoonta cilmiga tiknolojiyadda ee shaqaalaha dowladda iyada oo dib loo howl gelinayo Machadka qaran ee isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.

13. In Wasaaraddu kala shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare sidii manhajka waxbarashada Soomaaliya loogu dari lahaa maaddo la xiriirta teknolojiyada oo ka soo billaabaneysa heer hoose.

14. In dawladdu ay caawiso ururrada cilmibaarista iyo dalladaha waxbarashadda xarumo u qaabeysan sida maktabadaha oo ay ardeydu ka heli karaan adeegyada la xiriira teknolojiyada iyo adeeg Internet jaban.

15. In jaamacadaha Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo inay ka faa’iideystaan adeegga astaanta qaranka ee internetka ee u gaarka ah waxbarashada (.edu.so).

Ugu dambeyn, shirkan oo saddex maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa ka qeybqaadanaya wadashaqeynta wasaaradaha isgaarsiinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka iyo horumarinta tacliinta dalka oo la jaanqaadaysa horumarinta tiknoloojiyadda.

Related Articles

Close