CaafimaadkaWararka

10 ruux oo Shuban-biyood Ugu Geeriyootay Deegaanka Gelinsoor

Deegaanka Galinsoor ee gobolka Galguduud ayaa lagu soo warramayaa in 10 ruux ay cudurka Shuban-biyoodka ah ugu geeriyoodeen Deegaanka.

Galad Cabdalla Cumar oo ka mid ah saraakiisa caafimaadka ee Galinsoor oo goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay geeriyoodeen labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.

“10 qof ayaa cudurka shubanka ugu dhimatay deegaanka, dad kalena waa ay la jiifaan, annaga dadaal badan baan wadnaa, waxaana dooneynaa inaan la tacaalno dadka xanuunsanaya, dad aan Gaalkacyo u gudbinnay ayaa jira maadaama xaaladdooda ay aad u adag tahay” ayuu yiri Galad Cabdulle.

Hay’adda Qaramada Midoobay hay’adda u qaabilsan caafimaadka ee  W.H.O ayaa sheegtay dhawaan in shuban-biyoodka Soomaaliya ka dillaacay uu yahay kii ugu xumaa muddo sanado ah iyadoo ku dhawaad 700 qof ay u geeriyoodeen cudurka sanadkan.

Related Articles

Close