iskuulladaWararka

Munaasabad Lagu Furayay Iskuulkii Farsamada ee 15 May oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabad ballaaran oo lagu furayay iskuulkii farsamada ee 15 May ayaa Talaadadii lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan  ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirku ku xigeenka kheyraadka tamarta biyaha ee dowladda Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Aqoonyahanno iyo mas’uuliyiinta jaamacadda Plasma oo iyagu hirgelinayay mashuurcan lagu furay dugsiga Farsamada.

Eng. Maxamed Xaaji oo ah maamulaha iskuulka 15 May ayaa ka hadlay maadooyinka ay ku bilaabayaan iskuulka, waxa uuna yiri:

“Barnaamijyada aan xoogga saaridoonno waxaa ka mid ah, Electrical and Electronic Engineering, Carpenter Technology, Wlling Technology, Automatic engineering, Survey anad sand Technology,  iyo dhamaan wixii aan u aragno in baahidu ay ka jirto, hal maalin shaqada lama wadaqaban karo laakiin tartiibtartiib ayaan ugu socon doonnaa”.

Dugsigan oo ay hirgelineyso jaamacadda Plasma ayaa maamulaha jaamacaddaas Pro. Xasan Kaafi uu yiri:

“15 May waxaan rajeyneynaa iney soo saarto shaqaale aqoon iyo ammaano cilmiyeed leh, farsamo yaqaan aqoontii yaqaanna dhaqankiisuna wanaagsan yahay”.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa isna dhankiisa ka hadlay sida Soomaaliydu ay u leeddo farsamada ganacta, isla markaana dunida inteeda kalena ay ugu faanto:

“Farsamada ninbaaba ka faanaya oo haddii aad farsamo soo qaadid nin jiraba maba ahidba ama dadnimadaada ayaa hooseysa ama nasabnimadaadaa liidata ama wax kale oo aad ka shaqeyso oo qiimo leh ayaad weyday, bulshada waxaad uga jirta meesha ugu hooseysa, laakiin aadduuna kuwa aan annaga u dhoofno oo aan ku dayanno, waxaan hidaha iyo dhaqanka kaga horreynay inta ay nooga daydeen, ayay anaga dib noogu soo celiyeen, markaas ayaan taayadii annaga isku caynay, toodiina aan faan u maleynnay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kale iyo macallimiintii hore ee iskuulaadka farsamada dalka wax ka dhigi jirtay, dhamaantood waxay aad u ammaaneen tallaabadan cusub si wanaagsanna wey u dhiirigeliyeen.

Si kastaba, farsamada ganacta ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee maanta dalkeennu u baahan yahay, xilli dadka bartay cilmiga kale ay aad u badan yihiin, iskuulaadka iyo jaacadaha farsamada lagu bartaana la dhihi karo gabi ahaanba dalka ka ma jiraan amaba aad ayay u yaryihiin.

 

Related Articles

Close