arrimaha bulshadaWararka

Wasaarada Dastuurka Xukumada Soomaaliya Oo Wada Tashi La Sameyneysa Dhalinyarada Waxbaratay ee Dalka

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, ayaa waxaa lagu qabtay kulan wadatashi ah oo dhalinyarada Soomaaliyeed talooyinkooda ugu gudbinayaan wasaaradda Dastuurka xukumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda oo kulanka soo qabanqabisay ayaa dhalinyarada waxay  ka dalbadeen in aragtiyadooda ku biiriyaan dastuurka dalka oo hadda ah mid kumeel gaar ah.

Dhalinyarada ayaa wakhti fiican u helay inay su’aalo weydiiyaan wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlayay dhalinyarada ayaa u sheegay in wasaaraddu ay soo dhaweeynayso in dhalinyaradu ay ka qaybgalaan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Dhalinyarada waa tiirarka  ugu badan dadkeenna, sidaa darteed waxa inaga go’an in aan idinku dhiirigelinno sidii aad ka qaybgal saameeyn leh ugu yeelan la heeydeen ol’olaha hannaanka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir  Xoosh.

Wasiirka ayaa ka ballanqaaday dhalinyarada waxbaratay kulamo dhowr ah la yeelan doonaan, si ra’yi uruurin ballaaran loo sameeyo.

Wasiir Xoosh ayaa ka codsaday dhalinyarada in si mutadawacnimo ah ay ula shaqeeyaan wasaaradda oo ay sugeyso hawl ballaaran oo muhiim u ah in dalku uu gaaro  afti la mariyo tastuurka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in kulamada ceynkan oo kale ah la gaarsiin doono maamul Goboleedyada dalka iyo wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida qurba joogta ah si dhaman aragtiyada dadka Soomaaliyeed oo dhalinyarada ay ugu horreyso loo soo dhageysan lahaa.

Related Articles

Close