WacyigelinWararka

Hannaanka Wanaagsan ee Lagu Gaaro Guusha Waxbarashada

Qofwalba oo waxbaranaya waxa uu jecelyahay in uu waxbarashada ku guulaysto waana arinta subax walba uu u kallahayo sidii uu u soo kororsan lahaa aqoon wanaagsan .

Laakiinse waxaa laysku dhaafay qaabka iyo hannaanka qofku uu ku hirgelinayo waxbarashadiisa si uu ugu guulaysto waxbarashadiisa hadaba waxaan halkan ku soo bandhigaynaa talbaabooyinka kuu horseedaya in aad noqoto qof ku guulaysta waxbarasahda waxaana ka mid ah

1- In aad noqoto qof ku nool rajo wanaagsan waayo qofka marka uu raja wanaagsan leeyahay waxaa u suurtagelaya arimo badan noloshiisa ka mid ah oo ay waxbarashadu ka mid tahay.

2-Ardaygu waa in ku raja weynyahay in uu guulaysano, in uu wax fahmayo ,in uu darajo fiicankeenayo IWM

3-In macalinkaaga aad u leedahay aqoon buuxda, oo aad xiriir wanaagsan la sameysaa, una muujisaa tixgelin buuxda

4-Nadaafada oo ah shay diinteena islaamku na farayso ayaa qeyb ka ha talaabooyinka aad ku hormarsiinayso waxbarashadaada waayo ardaygu hadii uu ilaaliyo nadaafada jirkiisa,dharkiisa,fasalkiisa waxa ay saameyn xoogan ku yeelanaysaa waxbarashadiisa

5-In aad heelayo hami oo aad ku xisaabtanto in aad mar walba noqoto ardayda ugu wanaagsan ee dugisga waxbarashada , waa in aad ku fekertaa sidii aad kaalinta kowaad ku keeni lahayd.

6-Agabka waxbarashada in la diyaarsado waa arin wanaagsan oo ardayga u horseedaysa nidaamka, waxaana ardayga laga rabaa in agabkiisa uu diyaarsado habeenkii sida in uu dharkiisa feeraysto, buugaagtiisa nidaamsado, qalimadiisa si uusan uga daahin goobta waxbarashada

7-Dhegeysigu waa arin aad u fiican waana tiirarka ugu horeega ee kuu horseedaya in aad waxbarashadaada ku guulaysato waayo marka aad macalinkaaga dhegeysato waxaa kuu fududaanaya in aad hadhowto casharkaaga ku ceshato fahamto imtixaankana aad ku guulaysato

8-Inta aad ku sugantahay fasalkaaga waxaa kuu haboon in aad diiwaangeliso qodobada ugu muhiimsan ee ka mid ah sharaxaada macalinka si ha dhowto aad uga faa’iidaysato  marka aad akhrinayso  casharkaaga

9-In aad weydiiso macalinkaaga wixii aad fahmi weyso waa arin fiican oo kuu horseedaysa in aad mar walba ku guulaysoto waxabarashadaada, waxaana jirta in mararka qaar macalinmiintu marka ay  weydiiyaan ardayda casharka in ay fahmeen iyo in  kale in ardeydu ay  yiraahdaan waan fahamnay , sidaa awgeed isku day in aad macalinka weydiiso casharka hadii aad fahmin

10-Feejignaantu waa ay fiicantahay waayo mar walba oo ardaygu uu feejiganyahay waxa u fududaanaya in waxbarashadiisa uu ku guulayso waay hadii, waa in uu dareen sanyahay u jeedka uu u yimi iyo waxa laga rabo  garwaaqsadaa waxbarasahda in ay tahay mid mustaqbalkiisa iyo noloshiisuba ay  ku hagaagayso

11-Diyaarinta casharka waa qeyb ka mid ah hannaanka wanaagsa ee waxbarashada ardayga waayo ardaygu marka uu diyariyo  casharkiisa  kana jawaabo waajibaadkiisa waxaa hubaal ah in ay kuu fududaanayso waxbarashadaada, ogwona in ay kuu fiicantahay  mar walba oo aad akhriso casharka ku xiga casharkaaga  oo aad ii akhriso in  aad u baahanayso sharaxaad keliya

12-In aad goob wanaagsan waxa ku akhrisato in aad ku sugantahay hoygaaga waxbarasho ama guriga waa arin fiican oo kuu horseedaysa in waxbarashadaada aad horurmar ka gaarto

13-Qiimeyn guud oo aad naftaada ku sameyso waa loo baahan yahay in aad si qiimeyso  ogaatana qorshahaaga maxaa kuu hirgalay maxaase qabyo kaa noqday

Ugu danbeyntii ku xirnaw Alle si aad ugu guulaysato waxbarashadaada, mar walba oo ardaygu uu ku xiranyahay rabigiisa waxa uu noqonayaa arday wanaagsna waxabarashadiisna ku guulaysta

W/D: Ustaad Xasan Cabdi Maxamed

 

Related Articles

Close