DugsiyadaiskuulladaWararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Sheegay in Waxbarashada Dalka ay u Baahan Tahay Maalgelin Xoog leh

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in waxbarashada dalka haddii ladoo nayo in la hormarinyo in loo baahan yahay maalgelin xoogleh oo lagu sameeyo waxbarashada dalka.

Wasriika wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir oo hadal jeedi ka sameeyay shirka ansixinta qaabdhismeedka manhajka Soomaaliya ee Talaadadii ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in waxbarashadu ay tahay waxa umad kasta ay ku hormarto:

“Waxbarashada waa waxa keenaaya in bulshadaasi horumarto , waxbarashadana horumar ma keenayso illaa iyo ay leedahay manhaj aad looga fakaray oo keenaaya marka uu qof walba uu dhexmaro miro dhalkii loogu talogalay inuu soo saaro, haddii la rabo inuu dalkaan horumaro, waa in maalgelinta ugu weyn loo sameeyo caruurteenna”.

Waxa uu xusay haddii isbedel loo baahan yahay in ay lagama maarmaan tahay in waxbarashada dalka lagu sameeyo maalgelin wanaagsan:

“Dalalka dunida manhajka iyo waxbarashada qoondooyinka ay u sameeyeen bajadka guud 20%  in ka badan, maanta annaga bajadka noo yaallo waa boqolkiisa 1%, taasi waxay keenaysaa in waxbarashadii naga dayacan tahay, haddii aan dooneyno isbedel waa inaan maalgelin xoog leh dhankaa ku sameynno” .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda dowladda dhexe uga qoondeysay waxbarashada bajadka guud ee dalka oo 1% oo kaliya ka haysta miisaaniyadda guud ee dowladda.

Related Articles

Close