WararkaWaxbarashada

25 Arday oo Markii Ugu Horreysay Waxbarashada Dugsiga Sare Ku Dhameystay Gudaha Godinlabe

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna maamuusayey dufcadii koowaad ee ka qalinjabisay dugsiga sare Godinlabe ayaa lagu qabtay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay, wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Dheere, xildhibaan Xasan Cascaseey, maamulka, macallimiinta, waalidka, arday iyo marti sharaf kale.

Ardaydan ayaa noqonaysa ardaydii ugu horreysay ee dugsi sare ka baxa deegaanka Godinlabe, tirada ardaydaan ayaa gaaraysay 23 arday oo isugu jiro, 13 wiil iyo 10 gabdhood.

Maamulaha dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Godinlabe Maxamed Xaaji Xuseen oo munaasabda ka hadlay ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay ardayda isagoo ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray dugsiga:

“Deegaankaan ma laheyn goob waxbarasho oo dabooli karta baahida ardayda deegaanka ay u qabeen dugsi sare balse waxaa Allaah mahaddii ah in sanad ka hor lagu guuleystay in la furo dugsiga sare ee Godinlabe waxaa naga go’an inaan sii wadno dadalka aan ku hormarineyno waxbarashada deegaanka”ayuu yiri maamulaha dugsiga godinlabe

Sidoo kale wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiinta Galmudug Cismaan Dheere oo ahaa aasaasihii waxbarashada Godinlabe, islamarkaana10-kii sano ee ugu dambeeysay dadaal badan ku bixiyey sidii in caruurta Godinlabe ay helaan dugsi sare iyo waxbarasho tayo leh ayaa kula dardaarmay ardayda iney ku dadaalaan waxbarashada oo ay sii wataan:

“Waxaan idinka rajeynaa inaad sii wadataan waxbarashadiinna oo illaa heer jamacadeed aad gaartaan maadama hormarka qofka uu ku xiranyahay sida uu wax u barto”

Godinlabe waa magaalo u dhaxeysa degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka iyo hay’ada Iftiin ay iska kaashadeen in waxbarsho laga hirgaliyo halkaas.

godinlabe godinlabe1 godinlabe2 godinlabe3

Maandeeq Fm

Related Articles

Close