WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Arrimood oo Dhibaato Kuu Horseedi Kara Haddii aad Kusoo Daabacdo Bartaada Facebook

Waxaa iska caadi ah in dadku ay barahooda bulshada ku faafiyaan waxyaabaha gaarka ah ee noloshooda kusoo kordha, sawirro, waana sababaha dad badani ay u soo galaan bartooda Facebook, laakiin waxaa habboon in waxyaabaha aad bartaada ku faafineyso aad ula dhaqanto si wanaagsan oo caqli badnaan ku jirto, iskana ilaaliso wax kasta oo mustaqbalka dhibaato kuu keenaya.

Halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa 7 arrimood oo ay habboon tahay inaad ka ilaaliso bartaada Facebook inaad ku soo daabacdo:

1 – Laysankaaga darawalnimo

Dadka qaar ayaa marka ugu horreysa oo ay qaataan Leysanka darawalnimo, farxaddu inta ay ka badbadato ayay ku soo bandhigaan bartooda bulshada, laakiin waxaaney ogeyn in macluumad farabadan oo noloshooda gaarka ah khuseysa ay soo bandhigayaan, sida taariikhdooda dhalashada, cinwaanka goobta lagaa helo, dadka jecel iney ku dhibaateeyaan macluumaadkaa ayay kuu adeegsan karaan kuguna waxyeeleyn karaan.

2 – Qorshahaaga Maalinta Fasax

Khubarada baraha bulshada ayaa sheegaya in tuugada ay dhici karto iney gurigaaga soo abbaaraan, xilliyadaas oo kale amaba baaruurkaaga gaarka ah ay ku fakraan iney kaala wareegan, gaar ahaan haddii aad qurbaha ku nooshahay, hadaba qorshahaaga fasaxa iyo halka aad ku soo qaadaneyso barahaaga haku soo bandhigin.

3 – Tigidkaaga Diyaaradda

Tigidka diyaaradda aad ku raacayso, caada ahaan waxaa ku qoran macluumaad badan oo xilliga aad safrayso halka aad u socoto, password-ka QR oo macluumaad badan tuugada Internet-ku ay ka heli karaan.

4 – Madaxdaada Shaqada

Dadka madaxda ah intooda badani waxay leeyihiin Facebook, sidaa darteed ka digtoonow inaad ku faafiso bartaada waxyaabo ku saabsan shaqadaada iyo madaxda aad u shaqeyso, sidaas oo kalena madaxdaada Facebook hakula saaxiibin, haddii kale in badan ayaad ka qoomameyn doontaa.

5 – Sawirrada iyo Macluumaad ku saabsan Caruurtaada

Labada waalid ayaa mar kasta go’aanka iska leh in ubadkooda ay ku soo bandhigaan baraha bulshada iyo in kale, laakiin mar kasta ku xisaabtan inaadan faahfaahin dheeri ah ka bixin, iskuulka ay dhigtaan…., I.W.M.

6 – Faahfaahin Gurigaaga

Haddii mar kasta aad jeceshahay inaad gurigaaga dayactirto oo Disign-ka cusubna aad la wadaagto saaxiibadaada Facebook, ka ilaali faafaahin kasta oo keeni karta in gurigaaga sifudud loo xado amaba loogu soo dhaco.

7 – Iska Ilaali Wax Kasta oo  Hadhow aad Ka Shalleyn doonto

Iska ilaali waxyaabo kasta oo hadhow dhibaato kuu horseedi kara oo aad ka qoomameyn doonto, sida sawirro aad iska qaadday xilliyo goonni ah laakiin hadhow adiga lagugu dhibaateyn karo, marka ay marxaladdaadu isbedesho, sida ku dhacday dad siyaasiyiin ah oo aad u farabadan.

Si kastaba, dadka adeegsada baraha bulshada waxay jecel yihiin iney markasta waxyaabo muhiim ah u soo bandhigaan bulshada oo ay la wadaagaan saaxiibadood, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan mar kasta ku dadaalno oo aan iska ilaalinno waxyaabaha mustaqbalka dhibaato inoo keeni kara.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close