WararkaWaxbarashada

731 Arday oo Sanadkan Ka Qalinjabineysa Dugsiyada Sare ee Baydhabo

Todobo Boqol Sodon Iyo Kow Arday oo sanad waxbarashedkan ka qalinjabineysa Dugsiyada Sare ee Magaalada Beydhabo, waa sida uu ku soo warramayo mid ka mid ah howl wadeennada idaacadda Maandeeq oo dhawaan Baydhabo gaaray.

Ardadan ayaa hadda waxa ay u diyaar garoobayaan imtixaanka wasarrada waxbarashada ee xukumada Soomaaliya ay ka qaadeyso todobadka soo socda.

Dugsiyada ee ardaydani ka qalin jabinayaan ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 10 dugsi oo ku kala yaalla daafaha maagalada Baydho ee caasimadda gobolka Bay.

Calas oo kamida howl-wadennada Maandeeq Fm oo ku sugan magaalada beydhabo ayaa Khadka talefanka noogu warmay waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Magaalada Baydhabo waxaa ku yaalla tiro iskuul oo gaaray illaa 15 iskuul, waxaa sanadkan fasalka 12 laga qalinjabinayaa illa 10 iskuul, Cabdalla Deerow Isaaq 15 gabdhood ay ka qalijabinayaan, Macmuur wadajir oo ay isna ka qalinjabinayaa 45 arday, macruuf 87arday, Salaaxuddiin 49arday, Alqalam 153arday, Bashaa’ir 18 arday, Baydhabo School 84 arday,  Model 94arday, al-Macrifa 89arday, Ramadaan oo ay ka qalinjabinayaan 97 arday, wadarta ardayda magaalada Baydhabo ka qalinjabineysaa waa 731 arday”.

Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sanadkan waxaa la filayaa iney dugsiyada sare ee dalka ka qalinjabiyaan illaa 23,000 oo arday oo ka kooban dalka oo dhan, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close