iskuulladaWararkaWaxbarashada

Arday Ruush ah oo Ku Guuleystay Tartankii Physicis-ka Adduunka

Arday u dhashay dalka Ruushka oo la yiraahdo Stanislav Krimsky ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartanka 18 ee Physicis-ka adduunka, kaas oo sanadkan lagu qabtay magaalada Yakutsk ee dalka Ruushka.

Sida aan ka soo xigannay wargeysta Lenta Rowe; Tartanka ayaa socday 1-9 bishan May, waxaana ka qeybgalay in ka badan 170 arday oo ka socday 24 dalka oo ay ka mid yihiin, China, Thailand, Israel, Singapore. Ardaydii tartanka kasoo qeybgalashay ayaa waxaa kaalinta koowaad u galay Stanislav Krimski.

Krimski ma aha markii ugu horreysay ee uu ku guuleysanayo abaalmarin, April tii aan soo dhaafnay ee isla sanadkan, waxa uu kaalinta 2-aad ka galay tartankii culuumta xisaabta ee Ruushka ee fasal 10aad, kaas oo lagu qabtay magaalada Kalinnigrad ee Ruushka, sidaas oo kale waxa uu ku guuleystay tartankii Physics-ka ee guud ahaan Ruushka.

arday ruush ah

Related Articles

Close