WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada DFS oo Sheegay Iney Ka Shaqeyn Doonaan In Mar Kaliya Imtixaan Laga Qaado Ardayga Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa ballanqaaday iney wax ka qabandoonaan mushkiladaha haysta waalidiinta ubadkoodu ka qalinjabinayo dugsiyada sare ee dalka oo kharashaad farabadan ku bixiya imtixaanno kala duwan oo ay kala qaadaan dalladaha waxbarashada iyo wasaaradda waxbarashada D.F.S.

Iyadoo mudooyinkii u danbeyay cabasho ay ka muujinayeen waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkoodu dhameynayo dugsiga sare, galidda Labo imtixaan oo ay ka kala qaadaan wasarrada waxbarashada iyo dalladaha ay hoostagaan dugsiyada  waxbarashada dalka,  ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay wasiirka wasaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukumada soomaaliya C/raxmaan Cabdi Cismaan oo wareysi  siiyay Maandeeq FM, waxa uu ka hadlay wasiirku in wasaaraddiisu ay waddo qorshe Hal imtixaan oo kaliya looga qaadayo ardadaasi Soomaaliyeed ee ka baxeysa dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka ayaa xusay in qorshahaasi sidii uu ku hirgeli lahaa ay wadatashi kala wadaan dhinacyada kala duwan ee gacanta ku haya howlaha waxbarashada ee dalka.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in dadaallo fiican ay soo sameyeen dalladaha kala duwan ee dalka ka howlgala, kuwaas oo illaa iyo hadda imtixaan ka qaada ardayd marka ay dhameystaan dugsiyada sare, iyadoo taana uu u sii dheeryahay imtixanaankii guud ee wasaaradda waxbarashada ee wadajirka ahaa.

Wasiirka ayaa tilmaantay in ardada Soomaaliyeed ay dhibaato ku tahay in laga qaado Labo imtixaan oo muddo kooban ay u dhaxeyso madaama wasaradda waxbarashadana ay u taagantahay fududeynta howlaha waxbarasho  ardayda Soomaaliyeed ayna arintaasi wax ka qaban doonaan sida ugu dhow.

Walidiin kala duwan oo ay la hadashay Maandeeq Fm ayaa sheegay iney dhibaato ku qabaan 3 bilood ee gabagabada sanad dugsiyeed kasta la isku bixinayo iyo imtixaanaadka kala duwan ee daladaha waxbarashada iyo wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Close