arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Dalka Jarmalka oo Guul Weyn Ka Gaaray Adeegsiga Tamarta Dabiiciga ah

Jarmalka ayaa sameeyay record caalami ah oo cusub dhanka adeegsiga tamarta dabiiciga ah, hoosna u dhigay adeegsiga dhuxul dhagaxa iyo tamarta Nukliyeerka.

Axaddii lasoo dhaafay ee 7 May, ayaa Jarmalku uu gaaray guul aad u ballaaran iyadoo 85% tamarta korontada ee dalka Jarmalku ay noqtay mid dambiici ah, tamarta la cusbooneysiin karo (Sustainable energy) oo laga helayo dabeysha, tamarta qorraxda iyo tamarta biyaha laga dhaliyo.

Jarmalka ayaa maalgelin xoogleh ku sameeyay tamarta la cusbooneysiin karo, taas oo qeyb ka ahayd qorshe xukuumadeed oo la magac baxay “Energiewende”, kaas oo looga kaaftoomayo tamarta dhuxusha la qodo iyo tan Nukliyeerka, si loo helo deegaan Kaarboonku ku yar yahay laguna kalsoonaan karo, sicir keeduna uu jaban yahay sanadka marka uu gaaro 2050.

Maalgelinta tamarta dabiiciga ah ayaa noqotay mid lagu guuleysto muddo kooban, waxaa isla markiiba dalka Jarmalka hoos u dhacay lacagta korontada, waana markii xarumihii korontada muddo saacado ah lagu bedelay dabdhaliyaasha dabiciigi ah ee la maalgeliyay.

Patrick Grachen oo ka tirsan mashruucan Agora Energiewende ayaa yiri: “Xarumaha guud ee laga maamulo tamarta intooda badani waa tamarta dhuxul dhagaxa, maalintii Axadda waa la fariisiiyay, sidaas oo kale waxaa la yareeyay isticmaalka tamarta Nukliyeerka iyadoo si dhameystiran looga maarmi doono marka la gaaro sanadka 2022, waxaana suurtogelineysa maalgelinta  xukuumadda Jarmalka ee adeegsiga tamarta dabiiciga ah”.

Waxaa xusid mudan, in dalka Jarmalku uu ku dhawaaqay sanadkii 2011 iney doonayaan  albaabada iney ulaabaan dhamaan xarumaha tamarta Nukliyeerka sanadka 2022, sidaa si la mid ah waxay sheegeen iney ka takhluusayaan tamarta dhuxul dhagaxa.

Maandeeq Fm 

Related Articles

Close