DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Todobaadka Dhaqanka Jaamcadda SIMAD oo Maanta Ka Bilowday Xarunta Weyn ee Jaamacadda

 

 

Maanta oo Axad ah, May 14, 2017, waxaa xarunta weyne ee Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ka furmay munaasabad lagu daahfurayay todobaadka dhaqanka ee jaamacadda SIMAD.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loosoo agaasimayay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax ka tirsan Jaamcadda, abwaanno, arday iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay madasha.

Agaasimaha Arrimaha Adayda Jaamacadda SIMAD, Cali Ibraahim ayaa furay munaasabadda isaga oo ka warbixiyay ujeedka todobaadka dhaqanka iyo muhimada ay u qabteen:

“Soo dhawaada, Todobaadka dhaqanka waa todobaad ardayda Jaamacadda ay ka nastaan daraasadda oo ay wax ka bartaan dhaqankooda, sidoo kalena ay ku soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah ee ay u leeyihiin ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Ujeedka waa in ay arday dhaqankooda bartaan oo ay xusaan iyaguna ay soo gudbiyaan hibooyinka ku duugan” ayuu yiri Agaasimaha Arrimaha Ardayda.

Todobaadkan waxaa munaasabadda soo qaban qaabiyay XAJSI oo ah xukuumadda Arday Jaamacadda SIMAD oo ah urur ay ku mideysanyihiin ardayda Jaamacadda, waana waxa ay kaga duwantahay munaasabadahii hore oo uu soo qaban-qaabin jiray Xafiiska Arrimaha Ardayda.

Inta uu socda todobaadka dhaqanka ciyaar dhaqameedka noocyadiisa kala duwan ayey ardaydu ku tartamaan haddii ay ahaan laheyd dhaantada, shiribka iyo bootinta.

Jaamacadda SIMAD ayaa sanadkiiba mar qabata Todobaadka Dhaqanka oo ah todobaad ay jaamacadda iyo ardayduba xusaan dhaqanka Soomaalida, Arday Jaamacadda ayaa sidoo kale ku tartama suugaanta iyada oo la gudoonsiiyo abaalmarinno kala duwan gabagabada munaasabadda.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close