DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada D.F.S Oo Ku Howllan Sidii Wada Shaqeyn Dhaw Ay Ula Yeelan Lahayd Dalladaha Waxbarasho ee Dalka

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney muhiimadda koowaad siin doonto sidii loo dhisi lahaa kalsoonida, kala dhaxeysa dalladaha waxbarasho ee gacanta ku haya inta badan ee dugsiyada dalka.

Wasiir, C/raxmaan Cabdi Cismaan, oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq Fm ayaa xusay inay muhiim tahay in daladuhu ogolaadaan dowrka wasaaradda ee ah maamulidda tayada waxbarasho ee dugsiyada dalka.

Waxa uu intaasi raaciyay in labada dhinac ee wasaaradda iyo dallahuba ay dareemaan mas’uuliyad, taa oo horseed u ah wada shaqeyn si wanaagsan u hirgasha.

“Aniga waxay ila tahay in marka hore kalsooni la dhiso dowladda iyo dalladaha, 25 sano dal dowlad la’aan soo ahaa dowladdiina ay daciif tahay oo service aad ubadan aaney bixin karin, marka hore in kalsoonida la dhisaa waa muhiim, waa waxa ugu badan oo hadda oo muhiimadda aan siinayo, tan Labaad waa in mas’uuliyad la qaataa, annaga xaggeena aan ka qaadnaa iyagana xaggooda ay ka qaataan, taa macneheedu waxa weeyaan iney ogaadaan kaalinta dowladda ee lama dhaafaanka ah oo ay ogolaadaan, waa in tayada la ilaaliyo waana sida caalamiga ah meel walba oo dunida laga joogo, taasina waa mid gorgortan aan laga gelin”.

Dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira ayaa dusha u ritay kaalintii dowladda ee bixinta adeegga waxbarasho 26 sano ee lasoo dhaafay, iyadoo dowladana laga sugayo iney adeegyadeedii bulshada, gaar ahaan danyarta aan waxba iska bixin karin ay sameyso Iskuulaad ay si bilaash ah wax ugu bartaan, maadama waxbarashada gaarka ah ay tahay mid lacag ah.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close