arrimaha bulshadaWararka

Fayruus Dhibaato Xoogleh u Geystay Dowlado Farabadan oo Wiil Dhalinyaro ah uu 10 Dolar Ku Joojiyay!

Cilmibaare Ingriis ah ayaa si lama filaan u joojiyay faafidda fayruska xun oo lagu weeraray kumaan website oo dunida oo dhan ah, isagoo ku joojiyay website cusub oo uu ku iibsaday 10 dollar oo kaliya.

Wiilkan dhalinyarada ah oo da’diisu tahay 22 oo ka howlgala ammaanka Internet-ka BBC-da, ayaa sheegay inuu joojiyay si aanuu filaneyn faafidda Fayruuska “ransomir raspberry virus” kaas oo dhibaato xoogleh gaarsiiyay organizations farabadan oo dunida oo dhan ka kooban.

Wiilkan da’da yar oo lagu naaneyso Malwertk, ayaa waxa u suurtogashay inuu Fayruska wax burburiya uu ku joojiyay xilli uu fasax ku jiray, waxa uu u adeegsaday furaha “Kill Key” ee tilmaamaha software-ka ee fayrusku.

Inkasta oo uu Fayruskii helay oo uu joojiyay faafiddiisa, ayaa hadana dhibaatadii uu u geystay qalabkii computer-ka uu ku dhacay uu hagaajin kari waayay, shaqada uu qabtayse aad ayaa loogu ammaanay waxaana loo aqoonsaday geesigii lama filaanka.

Khubarada dhanka amniga internet-ka ayaa ka digaya inaan marna la fududaysan furaha “Kill” ee lagu dilayo fayruuska marka aad ku aragto computer-kaaga.

Ransomir  raspberry virus, ayaa ah mid dunida oo dhan dhibaato farabadan u geystay shirkado badanna ay u istaageen oo ay ku jiraan wargeyso caan ah oo dalka faransiiska ah Arbacadii lasoo dhaafay.

Fayruuska Ransomware amaba WannaCry oo waxa uu weeraray 150 dowladood oo dunada oo dhan ah, waxa uu la wareegay qalab gaaray illaa 200 oo kun oo qalab shirkadood, booliska Yurub ee amniga internet-ka”Europol”, waxay u ku tilmaameen inuu yahay mid aan horey loo arag.

Fayruuskani Muxuu yahay?

Waa nooc ka mid ah Fayruusyada ku dhaca nidaamka Windows-ka qofka adeegsada ayaa waxa uu ka hor istaagayaa inuu computer-kiisa horey u galo, dhamaan data-da gudihiisa ku jirtana waa uu kharibayaa oo lama furi karo hadhow.

Waxa uu kugu soo gaari karaa in qof aanad garaneyn uu kuu soodiro warqad uu kuu sheegay inuu arrin muhiim ah oo danahaaga khuseeya uu ku hayo, waxaad isku dayaysaa inaad furto, isla markiiba waxaa computerkaaga usoo gudbaya Fayruuskii oo la wareegaya.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close