arrimaha bulshadaJaamacadahaWararka

6 Wadiiqo oo aad Kaga Badbaadayso Fayruuska WannaCry ee Adduunka Dhibaateeyay

 

Hay’ado Caalami ah ayaa dhibaato culus soo gaartay, isbitaallo Ingriiska ku yaalla ayaa shaqadoodii joojiyay, lacago farabadan ayaa luntay, siro ammaan ayaa qarka u saran in la faafiyo, fawdo ayaa adduunka oo dhan ka jirta Virus-ka loo yaqaanno WannaCry ayaana u sabab ah.

Fayruuskan ayaa computerka uu ku dhaco lagu hagaajinayaa inta u dhaxaysa 300-600 oo dollarka Mareykanka ah, lacagtaas ayaa dhici kartay iney labo laabanto, dhamaan faylashaada gaarka ah muddo isbuuc ah ayuu ku baabi’inayaa.

Hadaba waxaa jirta Lix sir oo aad kaga badbaadi karto Fayruuska WannaCry ee dunida oo dhan kharibay.

1 – Marka qalabkaaga uu Fayruusku ku dhaco, waxay ku leeyihiin madax fursho lacageed bixi si faylashaada laguugu soo celiyay, maxaayeelay wax kuu damaanad qaadayaa ma jiro in dib laguugu soo celin karo faylashaaddii lumay.

2 – Ha rumeysan cid kasta oo ku tiraahda annagaa nagaaqanna uu Fayruuskaan dilayna, maxaa yeelay shirkadihii waaweynaa ee dunida ayaa ka daalay iney hagaajiyaan.

3 – Mar kasta oo aad aragto fayl uu ku qoran yahay Win64.EquationDrug.gen ama MEM:Trojan horey ka masax, file kasta oo aad garan weydana ha isku furin oo dhanka e-mailka kaaga yimaadda.

4 – Mar haddii aad ka shakiso faylal gaar ah, xir Computer-kaaga iskuna day inaad Windowga cusbooneysiisato, gaar ahaan ka wata magaca MS 17-010.

5 – Ka sameyso Copy Widowga cusub, marka aad dareento fayruus, kii copy-ga ahaa ayaad isla markiiba ku shubaneysaa computer-kaaga.

6 – Tallaabooyinkii ay ku dhawaaqday shirka Microsoft, si ay u ilaaliso dadka qalabkeeda adeegsada ayay shaqada ka fariisiiso “SMB” oo ku jiraa nidaamka Windowga kaas oo Fayruusku uu ka faa’ideysa si uu u qabsado qalabkaaga.

Fayruuska Ransomware amaba WannaCry oo dhibaateeyay 150 dowladood oo dunada oo dhan ah, waxa uu la wareegay qalab gaaray illaa 200 oo kun oo qalab shirkadood, booliska Yurub ”Europol”, waxay u ku tilmaameen inuu yahay mid aan horey loo arag.

 

Maandeeq Fm

Related Articles

Close