arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Dunida oo Gabi ahaanba Laga Sagootiyay Adeegga MP3, Xaggee Loo Socdaa?

Mac’hadka Jarmalka ee mas’uulka ka ahaa horumarinta nidaamka “MP3” audio, ayaa joojiyay illaa bishii lasoo dhaafay bixinta shatiyada waxsoosaarka iyo  barnaamijyada MP3, arrintaas oo ka dhigan in gabi ahaanba laga guuray nidaamka MP3.

Mac’hadka Fraunhofer ee dalka Jarmalka ayaa caddeeyay iney gabi ahaamba joojiyeen bixinta shatiyadii ku saabsanaa bixinta nimaadka MP3 iyo barnaamijyadiisa kala duwan illaa 23 April ee lasoo dhaafay, sababtuna waa iney soo bexeen barnaamijyo kale oo ka hormarsan kana tayo wanaagsan.

Mac’hadka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in nimaadka “AAC” uu hadda noqday mid wanaagsan oo lagu bedesho nimaadkii hore ee MP3 dhanka adeegyada YouTube iyo iTunes.

Qaar ka tirsan khubarada dunida ayaa sheegay in adeegsiga MP3 aanuu gabi ahaanba dhiman ee uu sii socon doono, oo dadka adeegsada iyo shirkada soo saaray ay sii wadi doonaan adeegsiga iyo waxsoosaarka barnaamijyada kala duwan ee MP3.

Mac’hadkan ayaa MP3 iyo horumarintiisa gacanta ku hayay laga soo bilaabo Sideetamaadkii Qarnigii tagay, xilligaas oo 6 cilmibaare ay ka howlgaleen mashruuc farriimo Music ah lagu raacinayay khadka taleefoonnada.

MP3 ayaa guul weyn gaartay bilowgii 2000  iyo wixii ka dambeeyay, kadib markii ay soo baxeen bartaamijyada dhageysiga talleefoonnada kuwa lagu kala bedelo cododka iyo muuqaallada.

Maandeeq Fm

Related Articles

Close