DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Si Weyn u Ammaaney Hay’ad Ka Qeybqaadata Horumarinta Waxbarasho ee Maamulkooda

 

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa ammaan ballaaran u jeediyay mid ka mid Ah hay’aha taageera waxbarashada ee ka howlgala deegaannada maamulkaasi.

 Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Ciise oo degmada Burtinle warbaahinta kula hadlay ayaa Sanduuqa badbaadada Caruurta ee Save The Children ku ammaanay kaalinta uu ka qaatay horumarinta adeegga waxbarasho ee ka jiraa deegaannada dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirku waxa uu tilmamaamay in wasiirku in hay’addu gacan ka geysato taakuleynta qoysaska ay abaaruhu waxyeeleeyeen, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

” Wacdaro waxay ka dhigeen Save The Children dhanka waxbarashada oo labo qeyboodba ay uga qeybqaateen, waxaan maanta meeshatan ka caddeynayaa ballaarinta waxbarashada Puntland waa hay’adihii ugu cadcaddaa ee qeybta libaax ka qaatay ballaarinta la ballaarinayo waxbarashada, waxa kale oo ay ka qeybqaateen tayaynta waxbarashada waa tiirarka ugu waaweyn ee lagu wado waxbarashada Puntland, intaas way ka sii farabadiyeen oo markii abaari dhacday aad iyo aad ayay uga qeybqaateen”, ayuu yiri wasiir Abshir Yuusuf Ciise, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Puntland ayaa waxaa ka jira horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah oo la taaban karo, kaas oo ay ka qeybqaateen hay’ado caalami ah, kuwo maxalli ah iyo ganacsato u guntatay sidii waxbarashada kor loogu qaadi lahaa.

Maandeeq Fm

 

Related Articles

Close