arrimaha bulshadaJaamacadahaWararkaWaxbarashada

Todobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Muqdisho

Todobaadka dhaqanka Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta weyn ee ay jaamacaddu ku leedahay magaalada Muqisho.

Todobaadka dhaqanka jaamacadda SIMAD ayaa ah mid ay soo qabanqaabiyaan ururka ardayda jaamacadda ee XAJSI, iyadoo uu yahay isbuucaasi mid ardayda lagu soo xasuusiyo dhaqanka iyo haddaha suuban ee Soomaalidu leedahay.

Intii uu socday todobaadka dhaqanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed noocyo kala duwan leh, tartan aqooneed mid Qur’aanka kariimka ah lagu tartamayo iyo mid Isboorti ah oo kubadda cagta ay ku tartamayaan dhammaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Waxaa tartanka intii uu socday lagu soo bandhigay buugaag ay qoreen qaar ka mid ah ardayda jaacadda SIMAD kuwa dhigta iyo kuwii horey uga qalinjabiyay iyo waliba buugaag ay qoreen qoraayaal kale.

Guddoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Carab oo ka hadlay gabagabadii xafladda ayaa sheegay  in si aad ah u ammaanayaan ardaydii soo qabanqaabisay xafladda, waxa uuna hambalyo gaar ah u diray ardaydii ku guuleysatay tartankii Qur’aanka Kariimka ah oo uu sheegay iney si lacag la’aan ah ku dhigan doonaan jaamacadda inta ka dhiman waxbarashadooda.

” Dadka Guuleystay waa u hambalyaynayaa, waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ardaydii ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, waxay mudan yihiin dhiirigelin, waana sababta ay jaamacaddu ugu ogolaatay ardayga ku guuleysta tartanka Qur’aanka inuu jaamacadda ku dhigto lacag la’aan ah”, ayuu yiri, Daahir Xasan Carab guddoomiyaha Jaamcadda SIMAD.

Gabagabadii munaasabadda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartannadii kala duwanaa ee ka socday gudaha jaamacadda mudadii  tartanku uu socday.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD ayaa sanadkiiba mar qabata Todobaadka Dhaqanka oo ah todobaad ay jaamacadda iyo ardayduba xusaan dhaqanka Soomaalida, Arday Jaamacadda ayaa sidoo kale ku tartama suugaanta iyada oo la gudoonsiiyo abaalmarinno kala duwan gabagabada munaasabadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close