arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda D.F.S oo Shacabka Uga Digtay Virus Khatar Ku ah Dunida

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay Viruska loo yaqaanno madaxfurasho ee gilgilay dunida, saameynna ku yeeshay illaa 150 dowladood lana wareegay macluumaadka illaa 200 oo kun oo qlab shirkado caalami ah.

Warkan oo ay soo qortay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa waxa uu u qornaa sidan:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka. Waxaana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150 dal. Meelaha ugu dhow ee laga soo sheegay waa dalka Kenya oo daris nala ah.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Waxaa suurtogal ah in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkan. Haddaba ka digtoonow viruskan

virus

Maandeeq FM

Related Articles

Close