arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Ka Hadlay Tirada Ardayda Uga Qeybgaleysa Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka

Wasiirka waasaaradda Waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq Fm ayaa sheegay in ku dhawaan 1000 arday ay uga qeybgalayaan imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug Ibraahim Xasan Guureeye  ayaa sheegay in dhankooda diyaargarow fiican ay ka sameeyeen imtixaanka, waxa uuna tilmaamay  in 926 arday ay sanadkan ka qalinjabineyso dugsiyada sare ee Galmudug:

“Sidii aan horey iskula qaadannay wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada iyo federaalkuba, imtixaanku uu dhaco 20 bishan ayaa go’aankannagu yahay, ardayda Galmudug uga qeybgalaya imtixaanka waa 926 arday, diyaargarow fiican baa laga sameeyay si fiican inuu imtixaankaasi u dhaco ayaan rajeynaynaa inshaa Allaah”.

Waxa uu ka hadlay wasiirku baraha cayiman oo ay ugu talogaleen in imtixaanku uu ka dhaco:

“Baro cayiman baa lagu qaadayaa, Galmudug xil goobood baa lagu qaadayaa, degmada Cadaado, Gaalkacayo waxaan ugu talogalnay iney Labo xarumood noqoto, degmada Caabudwaaq, Guruceel, Dhuusomareeb”.

Wasiirka ayaa sheegay iney imtixaanka cadaaladdiisa si wanaagsan loo eegi doono, maadama macallimiinta soo dajisay iyo kuwa saxayaa ay kala duwan yihiin, waxa uu sheegay in imtixaanka kolba meel lasoo gaarsiin doono illaa marka ugu dambeysa uu ardaygu kala kulmo natiijada imtixaankiisa.

Wasiir Ibraahim Xasan ayaa sheegay in ardayda Galmudug ay sanadkii hore kaalmo wanaagsan ay ka soo hooyeen imtixaankii shahaadig ahaa, kanna ay filayaan iney sidii hore si ka wanaagsan:

“Sanadkii hore inshaa Allaahu, sanadkan ayay kasii fiicnaan doonaan, 10-kii ugu horreeyay ee (imtixaankii midaysnaa sanadkii hore) 2, 3, 4, Galmudug ayaa gashay, hadana sidoo kale waxaan rajeynaynaa iney kaalmo fiican kasoo galaan, macallimiin tayo leh haddii la helo arday tayo leh ayaa soo baxaya”.

Si kastaba, imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka ayaa sanadkii Saddexaad oo xiriir ah la filayo inuu dalka ka qabsoomo 20 bishan oo ku toosan Sabitada soo aaddan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close