UncategorizedWacyigelinWararka

Wax ka Baro Macnaha Ereyga Akhlaaq

 

Akhlaaqdu waa dhaqan uu qofku ka barto deegaanka ku xeeran ama uu isagu iskii naftiisa ugu curiyo amaba uu ka dheehdo diintiisa uu aaminsan yahay.

Akhlaaqu waa shey aad u wanaagsan oo in badan oo naga mid ah ka maqan, waxyaabo badanna ay soo hoos galayaan sida; dad la dhaqanka, shaqada, dhimrinta, hadalka iyo hannaankiisa wanaagsan, waa astaan wanaagsan oo qofku naftiisa u horseedi karo, qofka lagulama yaabo haddii uu ku faano akhlaaqdiisa wanaagsan dadka hortooda.

Akhlaaqda waxa uu  Alle  ku ammaaney Nabi Maxamed N.N.K.H, waxa uu ahaa midka dadka ugu akhlaaqda wanaagsan, uguna mucaamilka fiican, haddii aan isku dayno inaan ka hadalno akhlaaqdiisa marnaba xaqeeda ma oofin karno.

Noocyada Akhlaaqda

–  Fikir Wanaagsan, Filasho Fiican iyo Laab Xaaran

Qofka waxa u wanaagsan inuu markasta uu dadka kale ka fisho wanaag, shakigana uu ka fogaado, maxaayeelay dabeecadaha wanaagsan waxaa ka mid ah malada fiican ee dadka kale laga fisho.

–  Samafalka

Qofka wanaagsan meel kasta oo uu tago samafalkiisu ma joogasado, qofkii wanaag sameeyana xumaanta ayay ka dhowrtaa, dhibaatadana way ka hortagtaa.

–  Xiriirinta Qaraabada

Waa mid ka mid ah dhaqamada uu Alle ugu jecelyahay, cimri dherer iyo xoolo badnaanna ayaa laga dhaxlaa.

–  Ballanta oo la dhawro

Waa mid ka mid ah astaamaha qofka mu’minka lagu garto, ballanta ma jabiyo haddii waxwalbaaba ay ku dhaafayaan oo uu khasaarayo, kulligeenna waan ognahay ragannimo iyo ballan ka baxyo inaaney meel isla gelin.

–  Salaanta

Qofka waxaa ku habboon inuu salaamo qofka uu garanaayo iyo kan aanuu garaneyn, Nabi Maxamed N.N.K.H ayaa waxa uu na faray inaan salaanta faafinno, qofka aan garaneynno iyo ka aanan garaneynin intabana aan salaanno, waana mid ka mid ah  sababaha ay dadku ay isku jeclaadaan.

–  Sadaqada

Qofka akhlaaqda wanaagsan sifooyinkiisa waxaa ka mid ah sadaqada oo uu siiyo dadka faqiirka ah iyo kuwa kale ee u baahan, maxaa yeelay qalbi dahab ah ayaa Alle ku manneystay qofka wax bixinta badan, waxa uu ogyahay in sadaqadu ay ka mid tahay  camallada ugu wanaagsan ee Illaahay jecelyahay.

–  Ceebahada Dadka oo aan La Faafin

Waa sifo in badan ka maqan, in walaalkaa sirihiisa aadan faafin, gaadaashiisana aanad ka hadlin, waa astaan ay leeyihiin dadka qiimaha badan isla markaana istaahila in la ixtiraamo.

–  Waalidka oo loo Sama Falo

Dadka oo dhan way necebyihiin caasi waalideynka, qofka caasiga ah waa mid aad u akhlaaq xun, waxaanuu istaahilaa eraybixinno intaa ka culeys oo waa qof xumaantiisa aan la tilmaami karin.

–  Hadalka iyo Carrabka Qurxoon

Qofka akhlaada wanaagsan hadalkiisuna waa wanaagsan yahay, dadka wanaagooda wuu ku ammaanaa, qofka xumeeyana wuu u qoslaa oo wuu wanaajiyaa.

Noocyada akhlaaqdu aad ayay u badan yihiin lamana soo koobi karo, waxaa ka mid ah samirka, dulqaadka, ….I.W.M.

Maxaa ka qurux badan in aadanuhu uu noqdo mid akhlaaq suuban, isku dhimriya, isku nasteexeeya, is xaqdhwra, bani’aadamku wuu dhintaa waxaase ka haraa waa dhaqanka iyo akhlaaqdiisa suuban oo aan marnaba dadka kale ka go’ayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close