arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararka

7 Waddo oo Lagu Xoojiyo Xasuusta Laguna Kobciyo Xifdinta

In badan oo inaga mid ah ayaa waxay leeyihiin illowshiyo, wax kasta oo ay meel dhigaan way illoobaan, sida furayaasha guriga amaba taleefoonka gacanta I.W.M.

Haddii aad dadkaa illowshiyaha badan aad ka mid tahay, dhibaato ma laha, raac 7 waddo si aad u xoojiso xasuustaada, waana sida lagu  soo daabacay wargeyska “Care2” ee ka faallooda arrimaha caafimaadka.

1 – Fadhigaaga Hagaajir

Inaad si wanaagsan u fariisato waxay ka qeybqaadataa kobcinta xasuusta, istoosi garkaana kor u yaraqaad, haddii aad sidaa sameyso Oxygen-ka ayaa dhiigga maskaxda soo gaaray 40% arrintaas oo xasuusta xoojineysa.

2 – Isticmaal Midabbo Soo Jiidasho leh

Cilmibaarayaal ayaa ogaaday in midabadda soo jiidashada leh ee xariiqmaha kala duwan ay xoojiyaan xifdiga iyo xasuusta, waa arrin ku saabsan dhanka dareenka oo soojiidasho gaar ah siinaya maskaxda.

3 – Muuqaallada Qosolka leh

Sidoo kale, cilmibaarayaashu waxay ogaadeen in xasuusta iyo waxbarashada ay kobciyaan daawashada muuqaallada qosolka leh, waxay tijaabo ku sameeyay dad waayeel ah oo la daawad siiyay muuqaallo qosol leh muddo 30 daqiiqa ah, waxa u soo baxday in xasuustoodii iyo waxbarashadooduba ay si wanaagsan u hagaagtay.

4 – Socodka oo la Joogteeyo

Waxaa la ogaaday in socodku uu aad u kobciyo xasuusta dadka da’da ah.

5 – Culeyska Qaad Haddii aad Kato

Waxyaabaha culus oo la qaado amaba almiitada culeyska la qaado waxay kobciyaan xasuusta 10%.

6 – Xanjada

Xanjadu waxay ka qeybqaadataa in dhiiggu uu si wanaagsan u soo gaaro maskaxda, arrinkaas oo hagaajinaya xasuusta muddo 15-20 daqiiqo ah.

7 – Sameyso Buug Xasuus Qor ah

Waxyaabaha muhiimka ah qoro adigoo markasta buug iyo qalinku agtaada ka dhaw yahay, arrintaasi waxay kaalin wanaagsan ka qaadaneysaa xasuusta wanaagsan, marka dambe waxaa dhici doono inaad ka maaranto buuggaa xasuus qorka kadib marka ay xasuustaadu wanaagsanaato.

maskax kobcin

Maandeeq FM

Related Articles

Close