iskuulladaWararkaWaxbarashada

Cali Jeyte : Amiga Baladweyne Aad baa Loo Adkeeyay Sababo la Xiriirta Imtixaanka Midaysan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in aad loo adkeeyay aminga imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2016/2017.

Guddoomiyaha ayaa sheegay amniga si aad ah u adkeeyeen, gaar ahaan maamaha imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka, waxaana hadalkiisa ka mid ah:

“Baryahaanba amniga aadbaa loo adkeynaayay maanta maba kusii jirto, ujeedadu waxay tahay waxaa bilaabanaya imtixaankii shahaadiga ahaa oo hadda ka hor wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ay go’aan kasoo saartay inuu dalka ka dhaco, gaar ahaan magaalo madaxda gobolka Hiiraan oo uu ka furmayo imtixaankii shahaadiga ahaa iyadoo xagga sare ay kala socoto wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare iyo wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle oo ay kala hoggaaminayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Faysay iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Hirshabeelle ee Xamad,  aminiga aad ayaa loo adkeeyay”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in imtixaanku sanadkan uu ka duwan yahay sanadadii hore, maadaama uu saameyn ku yeeshay dhamaan deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan.

“Sanadkii hore  waxaan xasuustaan 35 arday ayaa deeq waxbarasho noo heshay, sanadkan waxaa rajeynayaa maadama uu imtixaanku saameyn ku yeeshay deegaannadii kala duwanaa ee gobolka Hiiraan, halka markii hore magaalada madaxda kaliya lagu qaaday, waxaan rajeynayaa kaalinta Koowaad iney Galaan ardayda gobolka Hiiraan” ayuu yiri guddoomiye Cali.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa sheegay inuu guul u rajeynayo dhammaan ardayda ka qeybgalaysa imtixaanka mideysan ee dalka , waxaana uu si  si gaar ah guul ugu rajeeyay ardayda gobolka Hiiraan iney guul ka hooyaan imtixaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close