arrimaha bulshadaDugsiyadaWararkaWaxbarashada

Galmudug oo Hakisay Ka Qeybgalka Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka

Wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in deegaannada maamulkoodu ka arrimiyo aaney ka dhici doonin imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare Dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Abshir Cabdi Shiiqow oo ka hadlay sababaha ay tallaabadan u qaadeen ayaa sheegay in ay jirto cadaalad darro dhanka wasaaradda waxbarashada dowaldda Federaalka ay ka tirsanayaan oo aaney jirin wax dhaqaale ah oo dowladda usoo dhiibtey Galmudug si Imtixaanka loogu maareeyo.

Wuxuu tilmaamay in si kumeel gaar ah u joojiyeen  xiriirkii ay la lahaayeen wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay iyagu qaadi doonaan Imtixaan si madax bannaan oo aaney dowladda shaqo ku lahayn.

“Waxaa jira cadaalad darro oo in muddo ah soo jiitameysay, dalka wuxuu ka kooban yahay dowlad goboleedyo, looma cadaalad falo kuwa jira marka loo eego dhaqaalaha dalka soo galo, deeqaha waxbarasho ee ka yimaada beesha caalamka, hadda waxaa lagu jiraa xilliga Imtixaanada dugsiyada sare, illaa hadda ma jiro dhaqaale dowladda ay soo gaarsiisay Galmudug, wasaarada waxbarashada waxbo kama hayno, waxaa cad iney jirto cadaalad darro, waxaan go’aansannay inaan si KMG ah u joojinno wada shaqeyntii iyo xiriirkii aynu la lahayn wasaaradda waxbarashada”  ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Maanta waxaa dalka ka bilaabanaya Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, iyadoo ay jiraan dawlad goboleedyo si iskood ah u qaadaya Imtixaanka sida Somaliland iyo Puntland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close