arrimaha bulshadaDugsiyadaWararka

Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare Oo Maanta ka Bilaabanaya Intabadan Gobollada Dalka

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in dalka uu ka bilawdo imtixaanka midaysan ee dugsiyasada sare kaas kana qabsoomaya dhamaan dowlad goboleedyada dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo si goonni ah u qabsanaya imtixaankooda.

Imtixaankan ayaa la filayaa iney u fariistaan illaa 23,000  arday, waxaana ka howgalaya illaa Labo kun iyo dhowr boqol oo howlwadeenno iskugu jira saraakiil, kormeerayaal iyo shaqaalaha ammaanka ee loogu talo galay imtixaanka.

Sannadkii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa dalka ka qabsoomaya imtixaan midaysan oo ay ka qeybgalayaan inta badan gobollada dalka. Inkastoo ay jirto in Puntland isla maanta ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah ayaa hadana waxaa jira in aaney qeyb ka ahayn imtixaanka midaysan, sabab kastaba ha ahaatee.

Maandeeq FM

Related Articles

Close