arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Macallin Ardaydiisa Kaga Farxiyay Hadiyado Qaali ah oo Aaney Fileyn

Macallin u dhashay dalka Sucuudiga ayaa si lama filaan ah ardayda ugu qeybiyay hadiyado qaali ah munaasab ku aaddaneyn qalinjabintooda ay kaga gudboon Fasalka 1aad ee dugsiga hoose uguna gudbeen fasalka 2aad.

Macallin Maxamed Cabdiwahaab oo ka tirsan iskuulka Cusmaan Binu Cafaan ee gobolka Shaqra ee dalka Sucuudiga ayaa ardaydiisa ka simay hadiyado qaali ah  xafladdoodii qalinjabinta fasalka koowaad ee dugsiga hoose, isagoo lacagaha hadiyadana ka bixiyay jeebkiisa. Arrintan ayaa waalidiinta iyo dadkii maqlay ay aad u soo dhaweeyeen.

Hadiyadahan oo ahayd Baaskiilado(bushkuleeti), kubado iyo hadiyado kale, ayaa noqoneysa mid ardayda marnaba aan maskaxdooda ka go’in kuna dhiirigelineysa iney jeclaadaan waxbarashadooda guulo waaweynna ay ka gaaraan.

Si kastaba, dhiirigelinta noocan oo kale ah oo ay bixiyaan dadka wax haysta amaba macallinka awoodi karaa waxay kaalin fiican ka qaadataa  jeclaysiinta waxbarasho ee ubadka.

macallin 4 macallin macallin1 macallin2 macallin3 macallin5

Maandeeq FM

Related Articles

Close