DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Puntland: 12,700 Arday oo u Fariisatay Imtixaankii Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2016/2017

12,700 oo arday ayaa sanadkan waxay u fariisaneysaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee daagaannada maamulgoboleedka Puntland.

Agaasimaha waaxda imtaxaanaadka ee wasaarada waxbarshada Puntland Axmed  Maxamuud Warsame oo la hadlay saxaafadda  ayaa sheegay in wasaaradda ay dirtay dhamaan kormeerayaashii  imtaxaanaadka ee gobalada iyo degmooyinka kala duwan ee  Puntland:

“Maanta waxaan fasaxnay dhamaan gobollada Puntland imtixaankii aadayay, iyo dagmooyinka howlwadeennadii imtixaanka, ilaaliyayaashii imtixaanka, dhammaan ciidamadii amniga ee Imtixaanka ka qeybqaadanayay”, ayuu yiri; Axmed Maxamuud.

Waxa uu sheegay in Imtixaanku uu ka dhacayo illaa 9 gobol oo Puntland ah iyo 84 xarumood oo 56 ka mid ah ay tahay xarumaha dugsiga dhexe:

“Imtixaanku waxa uu ka dhacayaa 9 gobol ee Puntland, waxa uu ka dhacaya 84 xarumood 56 ay tahay fasalka 8aad xarumahooda, waxaa ka qeybqaadanaya 99 kormeere oo ah dadkii sanduuqyada watay ee imtixaanka qeybinayay”.

Agaasmiye Axmed Maxamuud Warsame ayaa daaha ka qaaday in tirada ardayda shahaadiga ah ee dugisyada dhexe iyo sare isku dar ay tahay ku dhawaad 13 kun oo arday:

“Imtixaanka waxaa u fariisanaya 12, 700 oo arday ayaa imtixaanka u fariisaneysa, waalidka ardayda macallimiinta, ciidamda amniga guddoomiyeyaasha gobollada, taliyeyaasha ciidamada dhammaan warqado ku socda ayaanu qeybinnay, kulli waxaan ka codsannay iney imtixaanka si habsami leh ula shaqeeyaan una sameeyaan socodka iyo shaqada dadkaasi ay wadaan”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka daahfuray Imtixaanka magaalada Qardho, halka Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi uu magaalada Garowe gaar ahaan dugsiga sare ee Gambool ka daahfuray imtixaanka,  madax kala duwan ayaa u amba baxay dhammaan deegaannada maamulka.

Isla maanta waxaa dalka ka bilowday imtixaanka midaysan ee ay qabanqaabineyso wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ay u fariisteen illaa 23,000 oo arday oo ku koobaan oo kaliya fasalka 4-aad ee dugsiyada sare.

large large (2) large (1)

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close