arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Maanta Daahfuray Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka.

Ra’isul wasaaraha oo booqday iskuulka 15 May ee degmada Warta-nabadda oo ka mid ahayd goobihii imtixaanku ka socday ayaa ardaydii halkaa imtixaanku ku galeysay ku dhiirigeliyaya iney ka miro dhaliyaan hadafkooda waxbarasho.

” “Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 27 kun oo arday laga soo bilaabo dowlad goboleedka Puntland iyo Jubaland inta u dhaxeysa  in 27 kun oo arday Soomaaliyeed galayaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Kheyre.

Imtixaanka ayaa maanta waxa uu ka bilowday intabadan gobollada dalka iyadoo ku dhawaad 27 kun oo arday ay imtaxaanka dugsiga sare u fariisteen, waa marka lagu daro dowlad goboleedka Puntland.

vlcsnap-2017-05-20-11h54m42s70

Maandeeq FM

Related Articles

Close