arrimaha bulshadaDugsiyadaiskuulladaWacyigelinWararka

Talooyin Muhiim ah oo Ku Saabsan Maalmaha Imtixaanka

Ardayda intooda badan waxay dareemaan daal aad u badan  walwal iyo baqdin ay ka qabaan imtixaanka iyo waxa ay kala kulmidoono, sidaa darteed, waa habboon inaad taqaanno siyaabaha loo adkaado walwalka waxna loo akhriyo maalmaha imtixaanka.

Si aad meesha uga saarto walwalka iyo baqdinta imtixaanka waxaa muhiim ah in uu ardaygu nidaamiyo wakhtigiisa imtixaanka, maalmaha imtixaanka  si wanaagsan wax ugu akhriso, raac tallaabooyinka hoos ku xusan:

1 – Diyaari Jadwal Wax Akhrineed

Waxaa habboon inuu ardaygu diyaarsado jadwal wax akhrineed bil ka hor inta aanuu imtixaanku bilaaban, waxaase khalad ah in maalinta imtixaanku ay noqoto maalin uu ardaygu maadadii oo dhan uu dib u eegis ku sameynayo, maxaayelay , inuu ardaygu muraajaco uu sameyo way ka duwan tahay inuu maadadii oo dhan uu dib ugu noqdo sidii qof hadda bilow ah oo kale.

Wax akhrinta ka bilow waxyaabaha kuugu sahlan, kadib sidaa ku soco, waxyaabaha adag hakuugu dambeeyaan oo iska ilaali inaad waxyaabaha adag soo hormariso.

2 – Ka Adkow  Walwalka iyo Baqdinta Imtixaanka

Walwalka waxyaabaha looga adkaado waxaa ka mid ah inaad la hadasho ardayda kale ee saaxiibadaa ah, hurdo wanaagsan qaadato inta aadan imtixaanka aadin si maskaxda culeys badan aad uga dajiso.

3 – Raashin fiican Cun, Si Wanaagsanna u Mayro

In raashin kugu filan aad u qaadato biyo fiicanna aad cabato waxay ka qeybqaataan in maskaxdu ay kuu furfuranto, sidaas oo kalena qabeyska wanaagsan waxa uu ka qeybqaataa inaad dareento nafis, ma habboona saacadaha yar ee imtixaanka ka horreysa inaad ku noolaato walwal iyo baqdin. Waxaa habboon inaad noqoto qof daggan, si aad wax uga keento natiijo wax ku ool ah oo aad uga keento imtixaanka.

Iska ilaali inaad ka dhageysato ardayda jaawabaha imtixaanka, kadib imtixaanka, waxay arrintaasi kugu abuureysaa walwal badan, imtixaankii aad kasoo baxdayna waxba kaagama soo kordhineyso, isku day inaad maskaxdaada ka saarto kan aad kasoo baxday, u diyaar garow kan kugu soo fool leh.

4 – Raadi Imtixaankii Sanadkii Hor, Waa haddii aan Wakhti Badan Kaaga Lumeyn

Raadi imtixaankii sanadkii hore, waxaad isku daydaa inaad ka jawaabo, waxaad ogaataa oo aaney dad badan kuu sheegayn intabadan imtixaannadu iney  isku mid yihiin, haddii aad fursad u hesho in muddii labadii sanno ahayd aad hesho imtixaankii laga qaaday ardaydii kaa horreysay, waxay taasi kuu noqoneysaa guulweyn oo aad u muhiim ah. Marka imtixaanka cusub aad gashana waxyaabo badan oo luqadda qolaalka laga bedelay laakiin isku mid ah ayaad arki doontaa.

Ducayso

Ogow markasta Sheydaanku waxa uu isku dayayaa inuu ku illowsiiyo waxyaabihii aad in muddo ah ku soo dadaaleysay isoo xilli kasta kugu furay mushkilado kale oo waxwalba kaa kala daadiynaya, markaa waxa uu ku dadaashaa sidii aad mustaqbalkaaga ku badbaadsan lahayd, Alle talo saaro, iskuna day inaad akhriso suuradaha kuugu fudud ee Qur’aanka ka tirsan kadib, imtixaan kasta ka hor.

maalinta imtixaanka

Maandeeq FM

Related Articles

Close