arrimaha bulshadaJaamacadahaWararka

Dadka Wax Akhriska Jecel: 3 Barnaamij oo Lagu Soo Kordhiyay Google Chrome  Kuuna Sahlaya Kala Xulashada Buugaagta

Haddii aad ka mid tahay dadka wax akhrinta jecel, waxaa aad ku farxad gelin doona applicationno cusub oo uu kuu soo kordhiyay Google Chrome, kawaas oo kaa garab siindoona kala doorashada  buugaagta aad xiiseynayso ee aad ka raadineyso Google ka.

Million Books 100

Marka aad khaanad cusub furato waxaa aad kuu cajab gelin doona in markiiba ishaadu ay qabaneyso buugaag, halkii marka hore aad ka arki jiray bog cusub oo kuu furma. Waa arrinka aad ka helayo adeeggan cusub ee Million Books 100, kaas oo kuu soo bandhigeya buugaag aan xuduud lahayn, marka aad furto bayj cusub oo Chrome-ka ka tirsan.

Waxaad ka helaysa magaca buugga, qoraaga, sawirka qolofka sare ee buugga ah iyo sanadkii uu soo baxay,  taariikhdiisa oo kooban.

Goodreads ratings for Amazon

Dadka buugaagta jecel ee ku xiran Webside-ka Goodreads una yahay isha gaarka ah ee buugaagta ay ku qiimeeyaan marka ay doonayaan iney ka iibsadaan shirkadda buugaagta sida Amazon oo kale, waxay shirkadda Amazon u soo kordhisay macaamiisheeda barnaamij cusub oo la magac baxay Goodreads ratings for Amazon, adiigoon aan Amazon ka dhex bixin ayaad gudaha ka helaysaa qiimeynta tayada buugga iyo sida loo iibsaday, waxyaabaha xiisaha leh ee buugga laga dhex helayo,  adeeggan u sahlaya dadka buugaagta xiisaya iney tayada buugga ogaadaan inta aaney iibsan ka hor iyagoo aan booqan Goodreads.

DFlip

Haddii aad dhibaato ku qabto inaad buugaagta ku akhriso  PDF, adeegga cusub DFlip ayaa ku ah bedel wanaagsan oo aad buugaagtaada ku akhrin karto, adeeggan ayaa PDF kuugu bedelaya DFlip, waxa uu ka dhigaya buug elektaroonig ah oo haddii aad doonto aad computer-kaag ka dhex laabi karto iyadoo qaab wanaagsan oo ilqabatin wanaagsan loo sameeyay.

buug

 Maandeeq FM

Related Articles

Close