WararkaWaxbarashada

Maamulka Koonfur-galbeed oo Ka Hadlay Xaqiijinta Amniga Imtixaanka Midaysan ee Ay Qaadayso DFS

Xasan Xuseen Maxamed wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleyshiyaadka ahna ku simaha wasiirka amniga maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda amniga ay si weyn u adkeysay ammaanka goobaha kala duwan ee uu ka dhacayo Imtixaanaadka ay Dowladda Federaalka ah ay qaadeyso.

Xasan Xuseen ayaa tilmaamay in saddex goobood oo kala duwan uu imtixaanaadku ka dhacayo,  iyadoo la geeyay goobahaasi ciidamo kala duwan oo is kugu jira boolis iyo nabadsugid si loo ilaaliyo ammaanka goobaha Imtixaanka.

“ Ciidamada waxay u diyaar garoobeen in amniga goobaha uu Imtixaanka  ka dhacayo ay sugaan meel walba oo ka tirsan deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, ardayda imtixaanka galaysana waxaan u rajeynayaa inuu ilaahey u fudideeyo”.

Goobaha Imtixaanka uu ka dhacayo ee magaalada Baydhabo ayaa waxa ay yihiin saddex goobood oo waaweyn kuwaasi oo loogu talo galay in lagu qaado Imtixaanka mideysan oo ay u fariisanayaan sanadkan 731 arday magaalada  Baydhabo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close