JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Saynisyahanno ka Tirsan Jaamcadda Harvard oo Ku Biiray Bulshada Cilmiga Ugu Sarreeysa Dalka Mareykanka

8  Culumo oo ka tirsanaa  jaamacadda Harvard ayaa loo doorntay iney ka mid noqdaan akaadamiyadda Qaran ee Cilmiga (NAS), iyadoo lagu sharfay waxqabadkoodii muhiimka ahaa ee dhanka cilmibaarista, waana sida ay Akaadamiyaddu ku dhawaaqday 4 May, 2017.

Doorashadan ayaa ku timaaddan kaalinta culumadu ay ku leeyihiin horumarinta cilmiga iyo cilmbaarista joogtada ah ee hal-abuurka leh, 8 caalim 4 ka mid ah waxay ka tirsanaayeen kuliyadda caafimaadka ee Harvard.

Culumadan ayaa waxay ka mid noqonayaan koox ka kooban 84 xubnood oo cusub iyo 21 ka mid ah mu’asasaad cusub oo cilmiga ka shaqeeya oo ay akaadamiyaddu xulatay sanadkan.

Akaadamiyadda Sayniska ee heer Qaran ee dalka Mareykanka waxay ka kooban tahay culumada ugu sarreeya ee dalka Mareykanka, waxaa lagu aasaasay qaanuun uu meel mariyay Congress-ka Mareykanka oo uu saxiixay madaxweynihii Mareykanka “Abraham Lincoln”  sanadkii 1863, akaadamiyaddan ayaa talooyin wax ku ool ah oo dhinac walba leh ka siisa Mareykanka dhinacyada tiknoolojiga iyo sayniska, sidaa si lamid ah waxay u adeegaan horumarinta cilmiga dalka Mareykanka.

Xubnaha akadamiyadda waxay kaalmo firfircoon ku leeyihiin bulshada cilmiga adduunka, 500 oo ka mid ah culumada akadamiyaddu waa kuwo ku guuleystay abaalmarinta ugu sarreysa cilmiga adduunka ee Nobel Prize-ka.

Akaadamiyaddan waxay soo saartaa joornaal la yiraahdo “The international scientific community” oo la aasaasay sanadkii 1914, waxayna ka mid ah joonlaadda ugu caansan adduunka ee lagu faafiyo cilmibaarista asalka ah ee adduunka.

nas

Maandeeq FM

Related Articles

Close