CaafimaadkaWararka

WHO oo Soo Saaray Warbixin Dowladaha Ku Dhiirigelinaysa Iney Sameystaan Tirakoobka Sababaha Geerida Keena

Ururka caafimaadka adduunka ayaa Arbacadii lasoo dhaafay soo saaray warbixin ka hadlaysa  kala bar xaaladaha geerida adduunka ay sabab la’aan ku diiwaangashan tahay, arrintaas oo dhibaato ku ah in la dejiyo siyaasado caafimaad oo wax ku ool ah.

Warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday WHO ayaa lagu sheegay hagaajinta tirakoobyada tilmaamaha sababta geerida waxay keentay in la ogaado 27 milyan oo qof oo ka tirsan 56 milyan oo dunida oo dhan ah sanadkii 2015, taas oo ah in la ogaaday Saddexmeelood dheeraad ah  sababtii ay u dhinteen, marka loo eego sanadkii 2005.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in dowladaha China iyo Turkiga ay qaadeen tallaabooyin ballaaran oo lagu uruurinayo tirakoobyada sababaha geerida. Dowladda Iran ayaa iyaduna diiwaangelisay sababta geerida ku dhawaad 90% marka loo eego sanadkii 1999 oo xilligaa ay diiwaangelin ahayd 5% oo kaliya.

Kaaliyaha agaasimaha guud ee ururka Marie-Paule Kieny ee dhanka arrimaha caafimaadka iyo hal-abuurka oo bayaan soo saartay ayaa tiri, iyadoo ay jirto iney xaaladdu soo hagaageyso sanadadii lasoo dhaafay, ayaa hadana dowlado badani aaney sameyn shaxdii loo baahnaa sidii ugu fiicneydna aaney u diiwaangelin.

“Haddii aaney dowladahaasi si wanagaasan u shaqeyn oo aaney sheegin sababta ay dadku u jiradaan kadibna u geeriyoodaan,  waxba lagama qaban karo”, ayay hadalkeeda sii raacisay, waa mar ay tilmaamaysay in siyaasadaha la dejinayaa ay ku xiran yihiin kolba shaxda ay helaan oo qorshe fiican laga sameyo.

Waxay tilmaantay in ururuka WHO uu dowladaha kala shaqeyndoono sidii loo xoojin lahaa nidaamka macluumaadka caafimaadka iyo tayaynta shaxaha laga maarnaamka ah ee loo baahan yahay.

Warbixinta ururka ee sanadkan ayaa xoogga lagu saaray aragtida fog oo kobcinta joogtada ah lagu gaari karo, waana dhow tiigsi oo caalamku ku heshiiyay lana saxiixay sanadkii 2015, macneheeduna uu yahay in la tiigsado horumar dhinacyada caafimaadka, cimillada, caafimaadka biyaha iyo sinnaanta dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa sheegtay in ay jirto hoos u dhac ku yimid hooyooyinka umul raaca ah , laakiin hadana halbeegga geerida hooyada uu gaarsiisan yahay 19 , 1000 dhalasho ee kasta(19/1000), halka halbeegga geerida caruurtu uu gaaray 43/1000, ku darso  830 oo haween ah ay maalintii geeriyootay  2015 sababo la xiriira uurka iyo dhalmada.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa dowladaha ku dhiirigelinaysa iney sameystaan tirakoobka sababaha geerida si ay hadhow u anfacdo siyaasadda caafimaadka ee fayadhowrka bulshada oo loo helayo qorshe wanaagsan oo arrimaha dhibaatada ugu badan ka jirto lagaga hortagayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close