iskuulladaWararkaWaxbarashada

Deegaanno Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Jubbland oo Aanuu Ka Hirgelin Imtixaanka Mideysan ee Ay Qaadayso DFS

Arday ka tirsan dowlad goboleedka Jubbland ayaan sanadkan ka qeybgaleyn imtixaanka mideysan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sababo la xiriira amniga darteed.

Gobolka Jubbad dhexe ayaan gabi ahaana ka qeyb ahayn ardayda ka qeybqaadaneysa imtixaanka mideysan ee ay qaadayso DFS , iyadoo mas’uuliyiinta aan kala xiriirnay Jubbland ay noosheegeen in sabab amni darteed aaney ardaydaasi uga qeybqaadan imtixaanka.

Madaxa imtixaanaadka iyo shahaadooyinka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Jubbaland Nuur Cumar Shaale oo waryesi gaar ah  siiyay Maandeeq Fm ayaa faahfaahin ka bixiyay habsami u socodka imtixaanka midaysan ee DFS ee deegannada Jubbland, waxaanuu yiri:

“Guud ahaan Jubbaland waxaa ka qeybgaleysay 485 arday oo ka kooban 3 gobol ee maamulka, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhex, wax imtixaan ka sameynayaa ma jirto sababo amniga la xiriirta awgeed. Imtixaanka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu ku bilowday kormeerayaal ayaa nooga yimid Dowladda Federaalka wasaaradda waxbarashada ee Federaalka, kuwaas oo imtixaanka maamulaya anagana si wanaagsan ayaan u soo dhaweynnay, si wanaagsan ayaana imtixaankii ku furmay”.

Mar aan wax ka weydiinney sababaha aan imtixaanka looga qaban Jubbada dhexe ayuu ku jawaabay iney la xiriirto sababo amni oo suurtogelin waayay iney macluumaad ka helaan ardaydaas:

” Gobolkaasi (Jubbada Dhexe) ma aaney suurtogalin in dowladda ay gaarisiiso Imtixaanka ama ay ardaydaa inta keenaan, sababo la xiriira amniga awgeed, noo ma’aaney suurtogalin in ardaydaas macluumaadkeeda helno, balse waxaan rajeynaynaa imtixaanka xigo iney ka qeybqaadan doonaan”.

Waxa uu ka hadlay in imtixaanka cadaaladdiisa si weyn loo ilaalin doono, maadama ay haystaan tababarro wanaagsan, sharciga imitxaankana si wacan loo dhowri doono:

“Wax kasta oo loo baahnaa imtixaankaasi inuu si wanaagsan ku dhaco, hadday noqon lahay xag diyaargarow iyo haddii ay noqon lahayn xagga u hoggaansanka shuruucda imtixaanka iyo dhammaan aad ayaa looga baaraan dagay, dadka ka shaqeeya waaxda imtixaanaadka markasta waxay tagaan Dowladda Federaalka halkaas oo ay kaga qeybgalaan tababarro la xiriira hab usocodka imtixaanaadka iyagoo aad u haysta xirfado ku filan oo ay ku maamulaan inuu imtixaanku si wanaagsan ku dhaco, dadka imtixaanka ilaalinayo  iyo dhammaan amnigana shuruucda imtixaanka aad iyo aad ayaa loo baray, aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay inuu imtixaanku si cadaalad ah ugu dhaco”.

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa si fiican uga socoda guud ahaan dalka Imtixaanka midaysan ee ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgalayaan illaa 23,000 oo arday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close